Madaxweyne Axmed-Siilaanyo Iyo Weftigiisii Oo Mar Labaad Caqabad Kala Kulmay Safarkii Shiinaha Iyo Asbaabaha Loo Tirinayo

3
762

lanyuo

 

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo weftigii uu hoggaaminayay oo uu qorshahoodu ahaa inay habeen hore ka dhoofaan magaalada Addis Ababa una gudbaan dalka Shiinaha, ayaa si lama filaan ah u baaqday.

Ma jiro war rasmi ah oo ku saabsan asbaabaha keenay in weftiga Madaxweynuhu baaqdo, laakiin  weftiga Madaxweynuhu goor dambe oo xalay cawayskii ah waxa ay  ku sugnaayeen magaalada Addis Ababa. Inkastoo ay suurtogal tahay inay saacadihii dambe ee xalay baxaan, haddana waxa dad badan yaab ku keenay sababta keentay inuu isbedelo qorshihii uu Madaxweynuhu ku socday ee uu ku tagayay dalka Shiinaha iyadoo madaxtooyadu hore u sheegtay in Madaxweynuhu Addis Ababa joogi doono wax aan maalin ka badnayn.  Masuuliyiinta la socota Madaxweynaha iyo weftigiisa oo aanu isku daynay inaanu la xidhiidhno si aanu wax uga weydiino arrintan ayaanay noo suurtogelin, waxase warar uu Wargeyska Geeska Afrikahelay sheegayaan in dib u dhaca safarka Madaxweynuhu la xidhiidho waxyaabo dhinaca farsamada ah oo qaarkood ku xidhanyihiin ganacsato Shiine ah oo la sheegay inay Madaxweynaha ku casuumeen dalkaas kuwaas oo aan weli dhammaystirin arrimo ku xidhan dhinaca dawladooda oo fure u noqonaya in Madaxweynaha Somaliland socdaalkiisa bilaabo. Waxaana la isweydiin karaa sababta Madaxweynaha loo dedejiyay mar haddiiba aan si rasmi ah loogu sii samayn gogol xaadh.

Madaxweynuhu wuxuu hore safarkiisan ugala kulmay caqabad markii uu si lama filaan ah ugu hoyday magaalada Diridhaba isagoo ku sii jeeday Addis Ababa, ka dib markii lagu wargeliyay in diyaaradii qaaday oo ahayd mid ay madaxtooyadu soo kiraysay aanay awood u lahayn inay habeenimo ka degto madaarka Addis Ababa xaaladeeda darteed.

Safarkan Madaxweyne Siilaanyo iyo kuwo hore oo badan ayaa waxa ka soo if baxday dhaliilo dhinaca abaabulka iyo nidaamka ah, lamana oga sida uu Madaxweynuhu wax uga qaban doono ceebaha ka soo if baxay safar kasta oo uu dibadda ugu baxo.

Comments are closed.