Fadhigii Shalay Ee Guurtida Oo Lagu Gudo Galay Xeerka Furashada Ururada Iyo Soo Jeedimaha Xildhibaanada Qaarkood

0
700

gurtida

Hargaysa(Geeska) Xidhibaanda golaha guurtida ayaa fadhi aan caadi ahayn oo ay isugu yimaadeen kaga dooday xeerka furashda ururada siyaasada oo ay golaha wakiilada ee Somaliland soo ansixiyeen kadib markii xeerkan oo hore u jiray ay ku sameeyeen wax ka badal iyo kaabis.

Fadhigan uu golahu isgu yimid waxa shir gudoominayay gudoomiyaha labaad ee golaha guurtida Sh Axmed Sheekh Nuux Fure, waxanay lagu bilaabay fadhiga gudo galka dooda xeerka furashada ururda siyaasada, waxaanay doodaas ka qayb qaatay inta badan xildhibaanda golaha ka soo xaadiray oo aan aragti ahaan aad ugu kala durugsanayan in la ansixiyo xeerkaas, balse in badan oo ka mid ah xildhibaanadii dooda ka qayb qaatay waxay soo jeedinayeen in xeerka aan si duuduuba loo ansixin balse lagu sameeyo kaabis iyo wax kabdal, isla markaas la ansixiyo. halka xildhibaano aanay tiradoodu aad u badnayn ay soo jeediyeen in duuduub laysku dhaafiyo xeerkan furashada ururada siyaasada si aanu dib u dhac ugu iman doorashooyinka golaha deegaanka.

Xildhibaan Saciid Cabilaahi, oo fadhiga ka hadlay ayaa yidhi, “Anigu waxaan soo jeedinayaa qodabka saddexaad ee xeerkan gaar ahaan faqradiisa 3-aad taas oo odhnaysa, todabda xubnood ee gudidad diiwan galinta ururada siyaasada waxa soo magacaabaya madaxwaynaa, anigu waxa aan soo jeedin lahaa in halkaas lagu badalo, shan xubnood oo madaxwaynuhu soo magacaabo, laba guurtidu ay soo magacwado iyo golaha wakiilada oo iyaguna sidaas ku ansixiya”

Xildhibaan Caydiid Cabdi, ayaa isna sheegay inay xukuumadu dabada ka riixayso xeerkan, isagoo tallo ku soo jeediyay  “Waxa weeyaan in aan hortay la odhan xeerka xukumaadaa dabada ka riixaysee, waayo waxa xeerkan wata siyaasiyiinta, komishanka iyo nimanka deeqda bixiya markaas aynu hore isku dhaafino oo aynu ansixino.”

Xeerkan furashada ururada siyaasada oo  ay danaynayaan in badan oo ka mida bulshada Somaliland oo ay ugu horeeyaan siyaasiyiintu, waxa la filayaa in golaha guurtidu isla maantana uu sii wado dooda laga yeelanayo ansixinta xeerka furashada ururada siyaasadda, isla markaana waxaa la filayaa inay ansixiyaan xildhibaanadu maalmaha soo socda.