Maxaa Salaadiintii Waaweyneyd Looga Reebay Tallo Urursigii Xukuumadda?

0
486

Hargeysa(Geeska)-Qaar ka mid ah salaadiinta ku abtirsada madaxdhaqameednimada ayaa la yaabay sababta ay xukuumadda Somaliland ugala masuugtay inay ka qayb geliso  tallooyinka ay urursanaysay ee la xidhiidhka ka qayb galka shirka Ingiriiska.

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa Sabtidii xafiiskiisa ku qaabilay qaar ka mid ah salaadiinta dalka, waxaanu u soo bandhigay go’aankiisa ka qayb galka shirka uu Ingiriisku u qabanayo Somalida, waxaanu ka codsaday inay ku taageeraan, waxaanay salaadiintaasi cadeeyeen inay taageersanyihiin go’aanka Madaxweynaha. Inkastoo ay salaadiintaasi ka socdeen beelaha Somaliland, haddana waxa la sheegay inaanay salaadiinta la soo martiqaaday ku jirin salaadiinta soo jireenka ah ee beelaha Somaliland. Salaadiinta la dareemay inay shirkaas ka maqnaayeen waxa ka mid ah Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani, Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi, Suldaan Cumar Suldaan Maxamed, Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cali, Suldaan Maxamuud Suldaan Axmed Sheekh iyo kuwo kale.

Qaar ka mid ah salaadiintan oo la soo xidhiidhay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sheegay inay la yaabeen sababta looga reebay urursiga talada qaranka maadaama oo ay yihiin salaadiintii umadda, waxaanay sheegeen inaanay garanayn sababta keentay balse ay xukuumadda uga fadhiyaan inay u cadayso.

Salaadiinta kale ee iyagana maqnaanshahooda kulankaas laga dareemay waxa ka mdi ah Boqor Maxamud Cali Carab, Suldaan Barre Xaaji Xuseen, Suldaan Shariif iyo rag kale oo la sheegay inaanay madaxtooyadu kulanka ku martiqaadin.