Madaxweynuhu Nofember Iyo Febarwari Iyamuu Saxsanaa? Geeska Afrika Staff Writer

1
602

Siilaanyo-MJMarkii ugu horaysay ee uu Raysalwasaaraha Ingiriiska David Cameron ku dhawaaqay qabashada shirka Somalida, waxa ay xukuumadda Somaliland cadaysay inaanay shirkaas ka qayb geli doonin, iyadoo xilligaas sheegtay inaanu shirkaasi khusayn Somaliland oo uu gaar u yahay arrimaha wadanka Somaliya.

Wargeyska Geeska Afrika, ayaa dabayaaqadii bishii November markii uu Ingiriisku shirkaas ku dhawaaqay waxa uu baahiyay in shirkaas lagu casuumay Somaliland oo uu Madaxweyne Siilaanyo ka qayb geli doono annagoo warkaas ka soo xiganay wasiir ka tirsan dawladda Ingiriiska oo hadalkan u sheegay aqalka Baarlamaanka Ingiriiska. Laakiin Wasiirka Arrimaha dibadda Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, oo horaantii December u waramay wargeyska Geeska Afrika ayaa dafiray ka qayb galka Somaliland ee shirkaas “Waxaa dhowaan saxaafada qaarkeed qoreen in wefdigii Madaxweynahu hogaaminayey ee dhowaan Ingiriiska tegay ay aqbaleen oo xukuumada Somaliland ogolaatay inay ka qeybgasho shirka Raysal Wasaaraha Ingiriisku ku baaqay inuu xalinta arrimaha Soomaaliya u qabanayo sannadka dambe. Waxaaan leenahay warkaasi mid xaqiiq ah maaha. Waxaanu wefdigii Madaxweynaha Somaliland hogaaminayey iska taageen mowqif cad oo ah inaan xukuumada Somaliland ka qeybgelayn shirkaa, maadama uu yahay shir u muuqda mid arrimaha gudaha Soomaaliya iyo siyaasada isku haya loo qabanayo. Somaliland kama qeygelayso, mowqifka ay iska taagtayna waa sidaas.”

Wasiirku, wuxuu isagoo hadalkiisa sii wata kana hadlaya shir uu Madaxweynuhu London kula yeeshay dawladda Ingiriiska oo mawduucan lagu soo hadal qaaday, ayuu wuxuu sheegay in Madaxweynuhu Ingiriiska u sheegay inaanu shirkaasi Somaliland khusayn,  “Arrimahaasi kulamo aanu la yeelanaynay masuuliyiinta Ingiriiska oo lagaga hadlayey xidhiidhka Somaliland iyo Ingiriiska ka dhexeeya iyo iskaashiyada kale ee na dhexmara iyo qadiyada Somaliland ee aanu doonayno inaan taageero uga helno Ingiriiska ayey dooda shirkaasi ku soo baxday, markaa intaan la gaadhin in casuumado loo soo diro Somaliland, ayey markiiba wefdigii madaxweynaha Somaliland cadeeyeen mowqifkooda arrimahaa ku saabsan, oo sheegeen inaanay ahayn kuwo Somaliland khuseeya.  Xukkumaduna diyaar u ahayn ka qeybgalka shirkaa.” Sidaas ayuu yidhi Wasiir Maxamed Cabdillaahi Cumar.

Marka ay sidaas tahay waxa ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo hore u cadaysay inaanay sinaba shirkaas uga qayb galayn maadaama oo aanu khusayn Somaliland balse ay la garab taagantahay dawladda Ingiriiska wixii taageero ah. Waxase umadda ka yaabiyay inay laba bilood ka dib xukuumadda ku doodo inuu shirkaasi dan u yahay Somaliland islamarkaana lagu martiqaaday oo ay ka qayb galayaan.

Dadka qaar ayaa aaminsan inuu Madaxweyne Siilaanyo wakhtigaas horeba go’aansaday inuu shirka ka qayb galo balse uu doonayay inuu dejiyo dareenka xaasaasiyada leh ee ay dad badani shirkaas ka qaadeen maadaama oo aanu waxba ka duwanayn shirarkii hore loogu qaban jiray kooxaha Somaliya ee aanay Somaliland marna ka qayb geli jirin. Kuwo kalena waxay aaminsanyihiin inuu go’aankaas xukuumadda ka keenay deg deg iyo ka fiirsasho la’aan diblomaasiyadeed.

Si kastooy tahayba, aragtida xukuumadda ee bishii December iyo dooda ay la shirtimid bishan Febarwari waa laba kaaf iyo kala dheeri ah, si kale haddii loo yidhaahdana waa go’aamo is burinaya. Waxaana looga baahanyahay Madaxweynaha ka hor intaanu umadda ku qancin inuu shirkaas tagayo inuu u sharaxo sababta uu markii hore uga shakiyay shirkaas ee uu markii dambena ku ogolaaday inuu si rasmi ah uga qayb galo.

Comments are closed.