William Hague Oo Ka Jawaabay Su’aalo Ay Somaliland Ku Jirto

1
593

william-hagueHargeysa, (Geeska/Twitter)- Xoghayaha Arrimaha Dibedda Ingiriiska, William Hague ayaa cadeeyey in ummada Soomaaliyeed go’aansadaan xidhiidhkooda mustaqbalka, dalalka gobolkuna hogaamiyaan aqoonsiga waxii cusub, isagoo u jeeday qadiyadda madaxbanaanida Somaliland oo su’aal laga weydiiyay.

William Hague oo shalay su’aalo toos loogu soo weydiinayey shalay barta Twitter-ka ayaa sheegay in isbedel dhab ah loo baahan yahay oo xasiloonida gobolku ku jirto.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Ingiriiska, William Hague oo la weydiiyey ma kaga hadli doontaan shirka London samaysanka maamulada yaryar iyo duulaanka dalalka jaarka oo xoojinaya Al-Shabaab, ayaa ku jawaabay, “ Isbedel dhab ah ayaa loo baahan yahay oo ku jirto xasiloonida dalalka gobolka, waana sababta aanu u qabanayno shirka London.”

Mar la weydiiyey,haddii Ingiriiska dhab ka tahay xal u helida mushkilada Soomaaliya, maxay ugu sheegi wayday Kenya iyo Itoobiya inay faragelinta ka joojiyaan, ayaa ku jawaabay, “Gobolku waa inuu kala shaqeeyo Xukuumada ku-meel-gaadhka la dagaalanka Al-Shabaab. Talaabooyinkuna waa inay waafaqsanaadaan shuruucda caalamiga ah.”

William Hague oo la weydiiyey siyaasada dalkiisa ee ku aadan aqoonsiga Somaliland, ayaa ku jawaabay, “ Dhinaca Somaliland, ummada soomaaliyeed waa inay go’aansadaan xidhiidhkooda mustaqbalka. Dalalka gobolku waa inay hogaamiyaan aqoonsiga wixii isbedel cusuba.”

Geesta kale, qoraal uu William Hague ku qoray warbaahinta Ingiriiska ka dib markii uu ka soo laabtay safarkii uu khamiistii ku tagay Muqdisho, ayaa wuxuu ku sheegay in shirka uu dalkiisu qabanayola isugu keeni doono kondon dawladood iyo ururo caalami ah oo siyaasad midaysan ka yeelan doona sidii dib loogu soo celin lahaa qarankii Somaliya ee fashilmay.

Wuxuu sheegay inay shirka xilligan ugu soo beegeen laba qodob oo uu mid ku sheegay guulaha ay AMISOM ka gaadhay la dagaalanka Al-Shabaab iyo qabsashada qaybo badan oo ay Al-Shabaab Muqdisho ka haysatay iyo mudada xil-hayneed ee dawladda Sheekh Shariif oo dhammaanaysa bisha August ee sannadkan, “Tani waxay keenaysaa in la helo nidaam siyaasadeed cusub oo salbalaadhan oo Ay Somalidu ku wada qanacdo.” Ayuu xoghayaha arrimaha dibadda Ingiriisku ku yidhi qoraalkiisa, isagoo raaciyay in sidoo kale la taageeri doono maamul goboleedyada iyo weliba dawlad dhexe oo laga wada dhex muuqdo.

Ujeedada shirka London ayaa waxa kale oo uu ku tilmaamay sidii la iskula waafiqi lahaa talaabooyin waaqici ah oo lagu taageerayo gobalada Somaliya, ciidamada AMISOM, dedaalo ka culus kuwii hore oo lagula dagaalamo budhcad badeeda iyo argagixisada iyo kor u qaadista mucaawinooyinka. “Wuxuu ka duwanaan doonaa shirarkii hore, sababtoo ah wuxuu soo hormarin doonaa danta Somalida ee maaha danaheena ammaan, waxa uu isku dayi doonaa inuu soo bandhigo sababaha dagaalada.” Ayuu ku yidhi qoraalkiisa.

Comments are closed.