Hargeysa: Salaadiin Shirjaraa’id Ku Taageerayay Murashaxnimada Madaxweyne Siilaanyo Iyo Kooxo Gadoodsan Oo Isku Dhacay

0
520

Picture7Hargeysa(Geeska)-Salaadiin ka tirsan madaxdhaqameedka Beelaha Subeer Awal iyo kooxo dhallinyaro u badan oo gadoodsan ayaa shalay isku dhacay, ka dib markii ay dhallinyaradu ka gadoodeen salaadiinta oo taageeraysay murashaxnimada madaxweyne Siilaanyo.

Salaadiinta oo doonayay inay hoteelka Maansoor ku qabtaan shirjaraa’id oo ay ku taageerayaan murashaxnimda Madaxweyne Siilaanyo ee doorashada dambe iyo go’aankii lagu xaliyay khilaafka xisbiga KULMIYE, ayaa waxa ay la kulmeen caqabad aanay filayn, waxaana hoolkii ay doonayeen inay ku qabtaan shirka jaraa’id ka dhex kacay kooxo si weyn uga soo horjeeda shirkooda jaraa’id ee taageerad ah, waxaanay madashii isu bedeshay fawdo sababtay inay odayaashu ka dareeraan hoolkii ay shirka ku qabsanayeen. Dhallinyarada gadoodsan ayaa ku dhawaaqayay hadalo ay odayaasha madaxdhaqameedka ah ugaga digayaan shirkooda jaraa’id ee ay madaxweynaha ku taageerayaan.

Waxaana markii banaanka loo baxay ay dhallinyarada gadoodsan qaarkood gacanta ula tageen qaar ka mid ah madaxdhaqameedka. Hase yeeshe odayaasha waxa markii dambe u suurtogashay inay shir jaraa’id ku qabtaan goob kale oo ka tirsan hoteelka, inkastoo ay ciidamo boolis ahi dusha ka ilaalinayeen.

Salaadiinta ayaa shirkooda jaraaid ka shegay inay taageerayaan murashaxnimada Madaxweyne Siilanayo ee doorashada dambe ee madaxtooyada, waxaanay si weyn u taageereen go’aankii uu golaha guurtidu ku xaliyay khilaafkii xisbiga KULMIYE. Salaadiintu waxay shacabka Somaliland ugu baaqeen inay nabadgelyada dalka ilaaliyaan.

 Gacan ka hadalkan shalay ayaa ka mid ah khilaafkii xisbiga KULMIYE, oo inkastoo uu golaha guurtidu xaliyay haddana ay riiqdiisii weli sii muuqato. Waxaana isa soo taraya dareenada mucaaradeed ee ka dhanka ah Madaxweyne Axmed Siilaanyo ee kaga imanaya beelaha galbeedka iyo waqooyiga Hargeysa.