Mawqifyo Xanuun Badan Oo Naftu Aanay Jeclaateen Inay U Soo Joogto, Laakiin Noloshu Lama Huraan Ka Dhigayso

0
844

Hargeysa (Geeska)- Waa qaybtii labaad ee ereyadii xikmad badani ku duugan tahay oo uu wargeyska Geeska Afrika ka soo xigtay bogga saxafiga caanka ah ee Zaami Al-Xaaj oo ka hawlgala Talefishanka Al-Jazeera uu ku leeyahay bar-kulanka bulshada ee facebook.

Waxa aan murugoodaa marka aan:

– Marka aan si diirran u gacan qaado gacan aan ogahay illaa xadka ay wasakhaysan tahay.

– Marka aan isu qalloociyo dhinaca duufaanku u dhacayo aniga oo ka baqa qaba in aan isu adkeeyo oo kadibna ay qasab igaga riixdo meesha aan taaganahay oo aan doonayo in aanan ka dhaqaaqin.

– Marka aan dareemo in ay igu hareeraysan yihiin dad ay duruufuhu igu qasbayaan in aan la joogo.

– Marka aan arko duruufaha iyo waayaha adduun ee gedisan oo igu riixaya in aan mid mid uga tanaasulo himilooyinkii aan muddo dheer ku riyoonayey.

– Marka aan cod dheer ku qoslo aniga oo doonaya keliya in aan codkaa dheer ku qariyo reenka oohintayda.

– Marka aan dareemo in aan sabab u ahaa/ahay murugada dhibta ruux kale la silcayo. Dhammaad.