Hablaha Ayaa Wiilasha Ka Hor Baran Og Hadalka Kagana Xariifsan Barashada Iyo Barista Afafka Qalaad

0
1039

99Hargeysa (Geeska)- Waa qayb kale oo ah qormadii ka waramaysay kala duwanaanshiyaha ragga iyo dumarka, qormadan oo aad u xiiso badan waxa ayaa uu Wargeyska Geeska Afrika ka soo qaatay buugga les hommes, Le sexe, etc. ee ay qortay Ellen Willer oo ah saxafiyad qoraa ah oo u dhalatay kuna nool dalka Faransiiska.

Kala duwanaanshiyaha dhinaca hadalka ee u dhexeeya ragga iyo dumarku waxa uu soo shaac baxa iyaga oo weli da’ ahaan aad u yar. Tusaale ahaan cilmigu waxa uu xaqiijiyey in badanna loo soo joogay in habluhu ay hadalka bartaan ka hor inta aanay innamadu baran, weliba barasho keliya ma’aha ee inanta ayaa iyada oo yar mar kasta hadalka kaga fiican wiilka da’deeda ah. Sida ay u badan tahay habluhu waxa ay ku hadlaan gu’ga 3aad ee cimrigooda, waxaana tijaabooyinku caddeeyeen in ay inanta da’daas ahi weliba hayso ama taqaanno keyd ereyo afkeeda ah oo ugu yaraan laban-laab ka badan ereyada uu yaqaanno wiilka da’deeda ahi.

Culimada ku xeel dheer cilmiga bulshadu waxa ay aaminsan yihiin in habluhu xilliga ay ku jiraan fasallada bilowga ah ee waxbarashada ay inta badan wiilasha da’dooda ah ee wax la barta kaga xariifsan yihiin dugsiga, gaar ahaan in ay kaalmaha hore kaga jiraan maaddooyinka ay ka mid yihiin luuqadda (Afka) iyo naxwihiisa iyo weliba curiska… laakiin muddo kadib ayaa uu xaalku is beddelaa oo wiilashada iyo innamadu isku soo dhowaadaan, maadaama oo sida saynis-yahannadu sheegayaan ay maskaxda qaybta bidix ee ninku samayso horumar iyo korniin xawli aad u horumarsan. Marka fasalka lagu jiro waxa ugu badan ee inanta uu macallinku kaga cawdaa oo hadal badnaan, laakiin wiilka waxa uu kaga cawdaa xarakaadkiisa oo badan iyo rabshad.

Gabadhu waxa ay isticmaashaa laban-laab ereyada uu ninku isticmaalo:

Inantu waxa ay da’da qaan-gaadhka gaadhaa iyada oo awood u leh in ay ku hadasho qiyaas ah 7 kun oo erey maalintii, laakiin wiilku marka uu qaan-gaadho waxa uu awoodaa in uu ku hadlo 3 Kun oo erey maalintii. In raggu ay dumarka ka aamusnaan badan yihiinna waxa ay soo shaac baxdaa bilowga nolosha, oo tusaale ahaan khubarada dabagalka ku samaysay waxa ay xaqiijiyeen in inantu marka ay yar tahay ay aad u jeceshay ciyaaraha iyo maararrowga hadalku ku lammaan yahay, laakiin raggu sidaas ma’aha oo iyagu waxa ay door bidaan in ay hawlahooda aamus ku dhammaystaan. Dhinaca kalana gabadhu waxa ay inta badan hadalkeeda ku soo darsataa ereyo aan afka ay ku hadlayso ku jirin oo ka badan inta laga yaabo in uu ninku ku soo daro.

Awooddan dhinaca luuqadda ah ee ay gabadhu sida dabiiciga a ugu abuuran tahay ayaa kow ka ah sababaha keenay in dhinaca barashada afafka qalaad ay gabadhu kaga fiican tahay ragga iyo weliba sababta ay macallimiinta afafka dhigaysaa inta badan u noqdaan dumar, haddii aanay noqonna waxaa hubaal ah in ardaydeedu ay ka tayo fiicnaan doonaan ardayda fasalkaas kale.