Masuul Xil Ka Soo Qabtay Xukuumadda Siilaanyo Oo Ka Badbaaday Dambi Budhcad-badeed

0
593

Picture7Washington(Geeska)-Agaasimihii guud ee hore ee wasaaradda waxbarashada Somaliland Mr. Cali Maxamed Cali, ayaa ka badbaaday in lagu xukumo dambi budhcad badeed, kaas oo noqon lahaa xabsi daa’im.

Garsoore maxkamadeed oo Maraykan ah ayaa Salaasadii doraad, wuxuu go’aamiyay inaanu Mr. Cali Maxamed Cali aan lagu helin dambiga ah budhcad badeednimo, welina lama gaadhin dambiga kale ee lagu xukumi doono, waxase laga yaabaa in lagu xukumo dambi ah  inuu dad afduubtay iyo inuu dad la afduubtay lacag ka qaatay. Cali, oo ah 51 jir, haddii lagu helo budhcad badeed wuxuu waajihi lahaa xabsi daa’im, markii xukunka lagu dhawaaqayna isagoo dhoola cadaynaya ayuu laabta saaray mid ka mid ah garyaqaanadii difaacayay. Sida ay werisay wakaaladda wararka ee AP mid ka mid ah saaxiibada Cali oo maxkamadda ku sugnaa ayaa ilmeeyay markii go’aanka lagu dhawaaqay.

Cali Maxamed Cali, wuxuu xabsi ku yaala Washington ku xidhnaa muddo laba sannadood ah, waxaana loo haystay dhex-dhexaadin uu sannadkii 2008da ka galay madax-furashada iyo sii deynta markab ganacsi oo laga leeyahay dalka Denmark oo ay budhcad badeedda Soomaaliya ka soo qafaasheen gacanka-cadmeed, kaas oo aakhirkii ay shirkadii lahayd ka bixisay lacag madax furasho oo dhammayd 1.7 Milyan Dollar (Hal Milyan iyo Toddoba boqol oo kun oo Dollar.)

Cali, ayaa maalin ka dib markii uu Madaxweyne Siilaanyo xilka ka qaaday sannadkii 2011, waxa si khiyaamo ah looga kaxeeyay Hargeysa iyadoo Washington ay hay’adaha sirdoonka Maraykanku uga soo direen martiqaad foojari ah oo ay ku dabayeen, halkaas oo uu aakhirkii ku galay dabinkii loo dhigay.