Guddoomiye Cirro Oo Shalay Loo Sameeyay Soo Dhawayntii Ugu Balaadhnayd Iyo Warmaha Siyaasadeed Ee Uu KULMIYE Ku Ganay

0
573

Picture8Hargeysa(Geeska)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro),ayaa dalka dib ugu soo laabtay, waxaanu ku adkaystay qabashada dooda qaran ee ay xisbiyada mucaaradka ah abaabulkeeda ku jiraan. Cabdiraxmaan-Cirro ayaa shalay loo sameeyay soo dhawayntii ugu balaadhnayd, waxaanay baabuurta soo gelbinaysay is daba taxnaayeen meelo kala durugsan.

Waxa uu guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE ku dhaliilay inay ku murmayaan doodaas qaran, waxaanu jawaab ka bixiyay hadalo uu hore ugu duray guddoomiye Muuse Biixi.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ahna guddoomiyaha golaha wakiiladda Cabdiraxmaan Ciro waxa uu mar labaad ku celiyay in isku shaandhayntii guddi-hoosaadayda golaha wakiiladu ay ahayd mid sharciya isla markaasn ay sideedii u sii jiri doonto.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Ciro waxa madaarka ku soo dhaweeyey xildhibaano,masuuliyiin sar sare oo ka tirsan xisbigiisa,guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe,oday dhaqameedyo iyo dad kale oo miisaan dalka ku leh, waxaana afaafka hore ee madaarka caalamiga ah ee Cigaal ka soo galbiyay gaadiid iyo taageerayaal aad u tiro badan.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ahna guddoomiyaha golaha wakiiladda Cabdiraxmaan Ciro oo warbaahinta kula hadlaayay qolka nasashada ee madaarka waxa uu hadalkiisa ku bilaabay“Waxa farxad weyn ii ah inaan dalkaygii hooyo ku soo nabad noqday,waxaan salaamayaa dhamaan shacbiga reer Somaliland.waxaan dad weynha reer Somaliland baaq ugu dirayaa inaan shacbi ahaan amigeena,dalkeena iyo qaranimadeena wada ilaashano. Waxaan u baxay safar shaqo oo aan ugu baxay dalka Ingiriiska si aan uga qaybgalo shir caalamiya oo baarlamaanada dunidu ay lahaayeen, waxa kale oo  aan soo maray dalalka Finland iyo Sweden meelahaas waxaan kula kulmay jaaliyadaha iyo masuuliyiinta xisbiga Waddani iyo masuuliyiinta wadamadaas qaar ka mid ah iyo maalgashadayaal danaynaayay Somaliland.”

Guddoomiye Cabdiraxmaan Ciro oo ka hadlaayay isku shaandhaynta guddi-hoosaadyada golaaha wakiilada waxa uu yidhi“Sidaad la socotaan waan ka maqnaa mudo kooban dalka, waxa jirtay isku shaandhayn golahu uu sameeyay taas oo ku salaysnayd,go’aanka soo jeedinta gole weynaha, soo jeedinta gudi gaar ah oo loo saaray iyo guddoomiyaha iyo labada guddoomiye ku xigeen oo go’aankaas isla qaatay, isku shaandhayntaasi waa ay jiraysaa.”

Guddoomiye Cabdiraxmaan Ciro  waxa uu jawaab ka bixiyay hadalo uu ku duray guddoomiye Muuse Biixi“Waxa aan kale oo aan jeclahay inaan laba kalmadood ka yidhaahdo guddoomiyaha xisbiga KULMIYE oo intii aan maqnaa oo maalin madal weyn ka sheegay eedayn uu aniga I eedaynaayay, taas oo ahayd inaan ku dhawaaqay shir beeleed, waxii aan idhina warbaahintu waa ay ogayd, maalmihii aan tagay odaygu waa uu yara faraxsanaayoo waxaan is idhi farxadiibaa dhagaha iyo indhaha saamayn kaga yeelatay, waxaan jeclahay goobtii aan kaga dhawaaqay iyo wakhtigaan ku dhawaaqay inuu cajaladaas shacbiga mar kale u daaro si ay u dhagaystaan. Somaliland siyaasiyiinteeda mid waliba sumad ayuu leeyahay waxaan jeclahay inuu nin waliba sumadiisa sheegto, aniga sumadaydu waa nabad,dimuqraadiyad,horumar iyo badbaado, intii aan noolaa wali xabad maan ridin, intii aan Somaliland joogayna waxaan ka shaqaynaayay hanaanka xisbiyada badan iyo dimuqraadiyada; Waxaan ka shaqaynaayay dalka horumarkiisa oo aan qayb ka qaatay,waxaan ka shaqaynaayay inaan dalka badbaadiyo oo khilaafaadka ka badbaadiyo oo waxii dhibaato u keenaya aan ka badbaadiyo, wakhtigii xukuumaddii Rayaale marar badan ayaan dhex dhexaadin sameeyay waxaana ka mid ahaa KULMIYE iyo UDUB oo aan dhexdhexaadiyay, intii xukuumadda madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo uu jirayna waxaad ka war qabtaan in aan madaxweyneha iyo ku xigeenka anigoo xisbi mucaarad ah ka tirsan aan hadana dhexdhexaadiyay, waxanan u arkaayay in maslaxada qaranku ay sidaas ku jirto.”

“kulmiye iyo xukuumadda wasiiro badan oo ka tirsani way kaga murmayaan waxii asxaabtu ku dhawaaqday oo ahaa dood,waxay doonayaan inay ku murmaan oo magacyo aan jirin ay u bixiyaan oo ah Shirbeeleed,anigu shir beeleed ma aaminsani,waligay ma taageerin,hadana ma taageerayo,Waddanina ma taageerayo,shir qarana kumaanu dhawaaqine waxaanu ku dhawaaqnay dood, waxii lagaga hadlaayayna waanu sheegnay iyagaana magacyo kale ula baxay iyaga oo isticmaalaya warbaahintii qaranka,anagu dood ayaanu qabanaynaa waxaana lagaga hadlayaa doorashada,,ma cidbaa diidan doorashada? Way soo bixi,diiwangalintaa lagaga hadlayaa iyo ictiraafka Somaliland,kootada haweenka,halkeebay ku yaalaa waxa qaranka duminayaa? Idinkaan idin waydiiyay oo shacbigaan waydiiyay, waxaad moodaa inay si badheedh ah arintaas ugu murmayaan.”

Ugu danbayntii waxa uu hadalkiisa ku soo gunaanaday guddoomiye Cabdiraxmaan Ciro “Waxaan soo xasuustay sheeko bari aan maqlay oo Gaalkacayo ka dhacday (Waxa la yidhi nin xoolo dhaqato ah ayaa neef adhi ah oo shilis saylada keenay,saddex nin  ayaa yidhi ninkaas aynu neefka shilis kaga murano, sadexdii nin ayaa u yimi oo ku yidhi neefkan baanu kugu haysanaa markii laysugu yimi ee loo garnaqay ee la yidhi maxaad ku haysataan, waxay yidhaahdeen wankaas shilis, waa ina heblo oo ninkanbaa leh, ninkii intuu go’ii uu sitay uu dusha ka saaray, markii ay doodii dhamaysteen ee la yidhi adiguna waran,go’iibuu ka qaaday oo waa lax ayaa laydinka yidhi ayuu yidhi) markaas waxaanu leenahay qolyaha leh waa shir beeleed iyo waa shir qaranba waa Laxbaa laydinku yidhi.”