Hargeysa: Marxuum Qaybe Oo Aas Qaran Loo Sameeyay

0
558

Picture6Hargeysa (Geeska) – Madaxwaynaha Somaliland, Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), iyo boqollaal qof oo kale ayaa shalay ka qayb-galay aas qaran loo sameeyay Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiilada Somaliland Marxuum Axmed Maxamed Aaden (Qaybe) oo doraad ku geeriyooday Magaalada Hargeysa.

Maydka Marxuum Qaybe oo Salaaddii Jinaasada ay ku tukadeen boqollaal ruux oo isugu jira Wasiirro, Shir-guddoonka Baarlamaanka, Xildhibaano iyo shacbiweynaha kale ee Somaliland, oo isugu yimid garoonka Tareedhiska ee xaafadda Pepsiga ee Magaalada Hargeysa, ayaa lagu aasay xabaalaha qaranka oo aan garoonkaasi ka fogeyn.

Marxuumka oo laxashka lagu geeyay xabaalaha uu ku duubnaa calanka Somaliland isla-markaana ay maamulayeen ciidamo ka mid ah Milatariga ah Somaliland, ayaa si maamuus leh loogu aasay xabaalaha qaranka, iyadoo ay goob-joog ka ahaayeen Masuuliyiinta Qaranka oo uu Madaxwaynuhu ugu horeeyo iyo weliba boqollaal dadwayne ah.

Aaska Marxuumka ka dib, ayaa waxa taariikh nololeedka Marxuumka iyo intuu ka yaqaanay ka hadlay Madaxwaynaha Somaliland, waxaanu yidhi isaga oo ku bilaabaya Tacsi uu u diraya ehelkiisii “Axmed Maxamed Qaybe, ILAAHAY ha u naxariisto, innagana Samir iyo iimaan ha innaga siiyo, Axmed Maxamed Qaybe, wuxuu ahaa shaqsi aad u weyn, shaqsi taariikh dheer leh ayuu ahaa, qaranka Somaliland ku leh buu ahaa, Guddoomiyihii Baarlamaankii ugu horeeyay ayuu ahaa, taariikh badan ayuu ku soo lahaa ummaddan, wax badanna wuu u soo galay, Magac iyo Maamuus weyna wuu ku lahaa, nin sharaf leh oo akhyaar ah oo dadku meesha uu joogaba qadariyo ayuu ahaa”

Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiilada Somaliland, Baashe Maxamed Faarax, oo isna ka hadlay taariikhdii dheerayd ee Marxuumka ayaa yidhi “Axmed Maxamed Qaybe, qaranka Somaliland ayuu ka dhintay, waana la kala dambaynayaa, laakiin meeshaa (Geerida) ayaa loo wada socdaa, waxaanu Tacsi u diraynaa qaranka Somaliland, waxaanu u diraynaa Eheladiisii, Waxaanu leenahay ILAAHAY janadii haka waraabiyo, dambigiisana ha dhaafo, in badan ayuu shaqada ku soo jiray, waxaanu u soo jeedinaynaa dadkii ay wax ja dhaxeeyeen inay saamaxaan”

Guddoomiyaha xisbiga UCID, Eng Faysal Cali Waraabe, oo isaguna ka hadlay isla-markaana Tacsi u diray ayaa yidhi “Geeridu waa xaq, haddii adduunyada lagu waarayana Nebi Muxamed (CS) ayaa loo dayn lahaa, markaa waddadii xaqa ahayd ayuu maray ee ILAAHAY qabriga ha u waasiciyo, janadii Fardowsana galiyo, inagana Samir iyo Iimaa innaga siiyo, ergo ayaynu u nahaye ILAAHAY ha innaga caqbalo”

Alle ha u naxariistee, Marxuum Axmed Maxamed Aaden (Qaybe), ayaa waxa kale oo Tacsi u diray dad badan oo ay ka mid yihiin Xaaji Cabdi Waraabe, Maxamed Xaashi Cilmi, Mujaahid Xasan Guure iyo Wasiirrada xukuumadda ee aaskiisa ka qayb-galay, waxayna Marxuumka ILAAHAY uga baryeen inuu janadii Farduusa ka waraabiyo.