Masiibada Ay Dhasho Hubsiimo La’aantu: Dad Nin U Soo Gurmaday Ka Shakiyey Oo Nolosha Ku Gubay

0
1059

Waxaa toddobaadkii u dambeeyey si aad u xooggan u gubanayey keymaha dalka Aljeeriya, sida muuqatana dalku tabaabushe fiican kama uu lahayn dabka noocan ah oo aan hore loogu baran. Dabkaas oo khasaare deegaan iyo mid naf iyo maalba leh geystay ayaa dadweynaha deegaannada ka agdhow ku abuuray cabsi iyo argagax. Haddaba dhowaan dad ka mid ah deegaannada dabku wax yeelleeyey ayaa nolosha ku gubay, nin dalkaas u dhashay oo dhalinyaro ahaa. Waxa ay ku eedeeyeen in uu isagu si badheedh ah u gubay keymaha Tiisi iyo Zaw oo ku yaalla bariga magaalada caasimadda ah ee Aljeris. Laakiin markii ay nolosha ku gubeen kaddib waxa ay la ogaaday in wiilkaas oo lagu magacaabi jiray Jamaal Bin Ismaaciil, sababta uu meesha u yimi ahayd in uu gacan ka geysto gurmadka bani’aadamnimo ee dadka deegaanka u baahan yihiin. Wasaaradda garsoorka ee dalka Aljeeriya ayaa ku dhawaaqday in ay furayso baadhitaan lagu ogaanayo duruufaha keenay falkaas rayulcaamka saameeyey iyo xaaladaha ku xeeran. wasaaraddu waxa ay ku hanjabtay in dadka falkaas geystay la marin doono ciqaabta ay mudan yihiin.

Tan iyo abracadii toddobaadkii hore waxaa baraha bulshada ku xidhiidho si aad ah ugu faafay muuqaalka muujinaya koox muwaadiniin cadhaysan ah oo jidh dil laad iyo feedh ka mid yihiin wiilkan u geysanaya, cabbaar kaddibna nolosha ku gubaya wiil dhalinyaro ah, iyaga oo ku dhawaaqaya ereyo muujinaya in ay ka dadhaysan yihiin in uu keymaha isagu dabka ku qabtay.

Laakiin muddo gaaban kaddib waxaa isla baraha bulshada lagu faafiyey muuqaalka wiilka samafalaha lagu wacadka furay ahaa oo talefishanka uga warramaya dhibaatada bani’aadamnimo ee dabka keymuhu ku keenay deegaanka, iyo isaga oo la jooga qaar ka mid ah dadkaas dhibaatadu soo gaadhay.

Jamaal waxa uu ma yimi magaalada Milaanat oo masaafad dhan 200 oo kiilmoogaraam galbeed ka xigta caasimadda, ujeedada safarkiisuna waxa ay ahayd in uu muwaadiniintan dalkiisa ee dhibtu soo gaadhay la qaybsado xanuunka. Waxa uu talefishanka ka jeediyey baaq uu muwaadiniinta dalkaas ka codsanayo in dadkan loo soo gurmado, ereyada dareenka taabanayey ee uu sheegayna waxaa ka mid ahaa in uu ka seexan kari waayey dhibaatada dadkan, sidaas awgeed uu go’aansaday in uu yimaaddo si uu xanuunka ula qaybsado.

Dhinaca kalana wiilka la gubay aabihii oo hadlay ayaa codsaday in loo soo celiyo maydka wiilkiisa oo uu sheegay in uu ahaa farshaxan iyo fannaan heesaa ah. Aabahan ayaa sheegay in wiilkiisu uu lacag deyn ku qaatay si uu ugu safro deegaanka dhibtu ka dhacday, ugana mid noqdo dadka mutadawaciinta ah ee dadka dhibaatadu gaadhay kaalmaynaya.