Diyaarad Ay Leeyihiin Ciidammada Cirka Ee Maraykanka Oo Soo Caga-dhigatay Garoonka Diyaaradaha Berbera Ee Imaaraadku Dayactiray

0
1051

Maraykanku miyuu beddelay siyaasaddiisii ku aaddanayd Somaliland ?

Hargeysa (Geeska) – Diyaarad ka mid ah kuwa Cirka ee Ciidammada Maraykanka, ayaa soo caga-dhigatay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil ee Somaliland.

Ma jiro War Rasmiya oo Dawladda Somaliland kaga hadashay diyaaradda Ciidanka Maraykanku leeyahay ee soo fadhiisatay Garoonka Diyaaradaha Berbera oo dhawaan Dawladda Imaaraadka Carabtu ku samaysay Dayactir, laakiin Shabakadda Wararka ee somalilandchronicle, ayaa Jimcihii baahisay Warka ah diyaaradda Ciidammada Cirka ee Maraykanku inay soo Cago-dhigatay halkaasi.

Somalilandchronicle oo soo xiganaya ilo-wareedyo ayaa qoray “Toddobaadkan diyaarad nooca C-130J-30 Super Hercules’ ah oo laga leeyahay Maraykanka ayaa soo caga-dhigatay madaarka Berbera si ay u sii waddo hawl aan la shaacin” ayuu sheegay, waxaanu intaa sii raaciyey “Ma cadda in dawladda Somaliland ay heshiis la gashay Maraykanka si ay u isticmaasho madaarka iyo dekedda Berbera, labadaasi oo dhawaan la casriyeeyay.”

Warku wuxuu intaa ku daray in Maraykanku uu muujinayo danayn cusub oo uu ka qabo Somaliland iyo in Maraykanku uu gacan saddexaad u soo maray Somaliland, si uu u helo Xarun garbaar oo Jabuuti u beddesha, maaddaama oo Colaadaha ka socda Waqooyiga Itoobiya ay sababeen Go’doon ku yimaadda gargaar la gaadhsiiyo Dadka Colaadahaasi sameeyeen.

Maraykanka ayaa lagu eedeeyaa inuu iska indho-tiro Qadiyadda Somaliland iyo inuu si toos ah u taageero, laakiin lama oga in dhaqdhaqaaqyada haddu bilow u yihiin isbeddel uu ku samaynayo siyaasaddiisii hore.

Ugu dambayn, diyaaradda Ciidan ee soo fadhiisatay Garoonka Berbera, ayaa ku soo beegmaysa xilli Dawladdu sheegtay in loo beddelay Garoon ay ka duulaan diyaaradaha Rayidka.

 

Geeska.net/Hargeisa Office