4 Tallaabo Oo Guusha Kugu Hagaya

0
1394

Guushu kuma timaaddo mucjiso iyo sixir midna, balse waa midhaha dabiiciga ah ee ka dhasha dhaqangelinta iyo dadaalka joogtada ah ee arrimo aasaasiya. Jim Rohn ayaa qormo ay baahisay shabakadda majaladda ‘Success’ waxa uu ku yidhi, ‘Hore ayaa aan u idhi guushu waa daraasaynta waxa muuqda – laakiin mararka qaarkood waxa aynu u baahannay cid ina xasuusisa, isla markaana ina tusta sida ugu fudud ee lagu gaadhi karo’. Qormadan waxa aynu ku dul istaagaan afarta tallaabo ee ugu fudud ee si aanu weligii sawiran sahal ugu gaadhi karo guusha.

  1. Afkaar fiican ururso

Markii aan 25 sano jir gaadhay, waxa uu macallinkaygu I baray in aan yeesho diiwaan aan wax ku qoro. Waa halka ugu fiican ee aan ku ururin karayo dhammaan fikradaha iyo xogta iga hortimaadda. Ruuxdaas ayaanan u gudbin doonaa carruurtayda iyo Carruurta aan awoowga u noqdo.

Haddii aad maqasho fikir caafimaad qaba oo fiican, qabso, kaddibna qor. Muddo kaddib dib ugu noqo diiwaanka aad ku ururisay. Dib u xasuuso firkadaha wanaagsanaa ee ku soo maray, gaar ahaan kuwooda aad ku dhaqantay ee saamaynta ku yeeshay noloshaada ama isbeddelka fiican ku keenay noloshaada. Tusaale ahaan fikirka kugu hagay guur guulaystay, fikradaha waqtiyada adag aad ku badbaadday, talada iyo aragtida guusha kuu horseeday.

Waxaa laga yaabaa in aad is eydiinayso macnaha ku jira in qofku dib u xasuusto talooyinkan iyo aragtiyahan wanaag iyo xumaan wax kasta oo ay lahaayeenba uu waqtigoodu dhammaaday. Laakiin runtu waxa ay tahay in dib ugu noqoshada bogaggaas xusuusta ah ee sannadaha badan ururayey ay qiimo badan oo muhiim ah leedahay, si aad u xasuusato naftaadana u xasuusiso jidka ay u soo martay guushaas.

Weligaa ahoow qof ururiya fikradaha fiican ee noloshiisa soo mara, qof diiwaan u sameeya waayoaragnimadiisa, iyo raadadka uu u soo maray guusha si uu mustaqbalka u xasuusto.

Arrin hawlyar ma’aha in aad naftaada arday u noqoto, in aad mustaqbalkaaga iyo yoolka aad beegsanayso arday u noqoto. Weligaana ha isku hallayn xusuustaada. Mar kasta oo aad dhegeysato arrin qiimo badan, waa in aad diiwaangelisaa. Diiwaan xusuuseed yeelo, waqtiyo aad dib ugu noqotana ku dadaal.

  1. Qorshe fiican dejiso

Dhismaha nolosha iyo wax kasta oo la dhisayaaba waxa ay la mid tahay uun dhismaha guriga; waxaa waajib ah in aad qorshe u yeelato. Ka warran haddii aad shaqadaada dhismaha markaba ka bilowdo in aad jaajuurka is dul saarto, kaddibna adiga oo wada uu qof ku weydiiyo, “Maxaad dhisaysaa?” suurtagal ma tahay in aad ku jawaabto, “Ma garanayo, ama fikirba kama haysto!!”

Si aanay taasi kugu dhicin, hawl kasta waxa aad ku bilowdaa in aad su’aal iska weydiiso. Tusaale ahaan, goorma ayaa ay tahay in aad bilowdo dhismaha guriga?

Maalintaada ha bilaabin, illaa aad sii qorshayso wejiga fiican ee ay tahay in ay ku dhammaato – ugu yaraana sii jeex jidka aad maalintaas u marayso hawlmaalmeedkaaga oo dhan. Maalintaada kasta in aad qorshe ku hawlgashaa waa arrin muhiim ah, hawl kasta oo aad bilaabayso in aad dhammaysaana waa waajib. Laakiin taas macnaheedu ma’aha in aanad ka tegeyn fursado hawlaha aan qorshaynayn ee dusha ka yimaadda aad qaban karto, sida oo kale in aad fursado dheeraad ah siiso istaraatjiyadaha dheeraadka ah. waxa se muhiim ah in aad ku dhaqanto qaaciidada ah, ‘Hawl kasta dhammee inta aanad bilaabinba”. Hawl kasta oo aad bilaabayso, waa in aad maskaxda ku sii hayso sida uu dhammaadkeedu u ekaanayo, maalin kasta oo kuu bilaabata waa in aad taqaannaa halka ay hawlmaalmeedkeedu ku dhammaanayso, mashruuca iyo shaqada aad gacanta ku hayso waa in aad aragti cad ka haysato halka aad doonayso in uu ku dhammaada ama yoolka aad ka beegsanayso. Maalinta, bisha, toddobaadka iyo sannadka midna yaanu kuu bilaabmin iyada oo aanay kuu caddayn dhammaadka halka aad joogaysaa. Waxaa ugu sii muhiimsan sannadka oo ay tahay in aad ka yeelato qorshe cad oo qoraal ah. Talo xun ma’aha in sannadka bilowgiisa aad la fadhiisato qoyskaata, si aad u wada dejisaan qorsheyaasha qoyska, iyo xitaa kuwa shakhsiga ah. sida oo kale in aad la fadhiisato shaqaalahaaga iyo dadka aad danwadaagta tihiin si aad u wada qorshaysaan danaha idinka dhexeeya iyo jidka ay mashaariicdiina shaqo ku soconayaan. Waxaa iyaduna qorshe fiican ah in aad yeelato lataliye dhaqaale oo aad sannadka bilowgiisa la fadhiisato si aad isula meel dhigtaan waxa aad rabto in uu sannadku ku dhammaado, gaar ahaan dhinaca dhaqaalaha.

Sababta keentay in qofku uu mustaqbalka cabsi ku waajaho, halkii ay ahayd in uu filasho fiican ka sugaa waa qorshe la’aanta iyo in aanu marka hore waxba sii nashqadaysan.

  1. Naftaada Waqti sii

Waqti ayaa ay qaadataa in qofku uu xirfad shaqo samaysto. Waqti ayaa ay qaadataa in qofku isbeddello sameeyo. Waqti ayaa ay qaadataa in uu qofku wax barto, bislaado, isbeddelo, horusocod la yimaaddo, iyo in uu waxsoosaar yeeshaa.

Waqti ayaa ay qaadataa in qofku uu dib u shiilid iyo qeexid cusub ku sameeyo aragtiyaha iyo falsafadaha uu ku soo socday iyo hawlihii uu ku soo jiray. Weligaa naftaada ha kala bakhaylin in ay hesho Waqti ay wax ku barato, Waqti ay bilowdo in ay is dardargeliso, iyo Waqti ugu dambaynta ay guul gaadho.

Waxa aan xasuustaa mar ay hooyaday wax yar iga baraysay sida loo garaaco muusiga biyaanada (Piano), waxa ay tidhi, “Dhinacaasi waa dhinaca gacanta bixida la saaray .. dhinac kalana waa gacanta midigta” waxa aan idhi waan fahmay. Kaddib waxa ay tidhi, “Haddaba imika labada gacmood ayaa aynu mar ka wada ciyaarsiinaynaa” waxa aan weydiiyey, “Waa hagaag, laakiin sided sidaa u samayn kartaa?” waayo in marba mid aan garaacaa waa ay fududahay, laakiin in labadaba aan mar ku wada garaaco? Waxa ay igu tidhi, “Maanta halkan ayaa aynu maraynaa, laakiin waxaa imanaysa maalin aa dhal mar isku darto, indhaha oo aad ka akhrido qoraalka muusiga, isla markaana labada gacmood ku garaado” Marnaba sidaas ma yeeli kartid ayaa maskaxdayda ku jirtay. Si kastaba ha ahaato ee in kasta oo bilowgii jaahwareer iyo qaladaad badan igu keentay, haddana ugu dambayntii waa aan soo gaadhay halkii hooyaday ii sheegaysay. Waxa se ay sheekadu mar kale ka sii dartay markii ay hooyaday ii sheegtay in weli tallaabo kale hadhay. Waxa ay igu tidhi, “Imika waa in aynu isku darno, dadka daawadayaasha ah oo aynu indhahooda eegno, warqadda muusigu ku qoranyahay oo aynu eegno, iyo labada gacmood oo aynu ku garaacno, innaga oo waxaas oo dhan hal mar wada qabanno” mar kale ayaa uu igu beermay dareenkii hore oo kale. Waxa aan is weydiiyey sida ay u suurtageli karto in aan hawshaas oo dhan hal mar wada qabto, waanan gaadhay heerkaas.

Weligaa ha u arkin noloshu in ay tahay, ‘Noloshu ma’aha keliya Waqti la dhaafayo. Noloshu waa waayoaragnimo la ururiyey iyo awooddooda oo laga faa’iidaysto.’

  1. Naftaada beddel

Baro sida loo xalliyo dhibaatooyinka – dhibaatada ganacsigaaga ku timaadda, mushkiladaha qoyska ka dhaca, dhibaatada maaliyadeed, iyo kuwa dareenka caadifadda taabanaya. Sida ugu fiican ee caqabad u waajihi karto. Si ay fursad koritaan iyo bisayl kuugu noqotaa waa; Ku dhiirro isbeddelka marka ay tahay in aad isbeddel samayso, wax ka beddel iyo dib u eegis samee marka ay waajib tahay, tuus falsafadaha gaboobay ee hore, haddii aanay si fiican ula shaqaynayn kuwa cusub ee aad ku dhaqmayso.

Halkudheggii ugu fiicnaa ee uu macallinkaygii i siiyey waxa uu ahaa, “Haddii aad is bedesho, wax kastaa waa uu isu kaa beddelayaa” hadalkaas qalbiga ayaa aan ka qaatay, waanan hubaa mar kasta oo aan sii wanaagsanaado, wax kastaa waa uu ii sii wanaagsanaadaa.  Habeen iyo dharaar dhexdood kuma beddeli karto yoolkaaga iyo higsigii aad lahayd, laakiin jihada aad ku socotay waad ku beddeli kartaa. Dhammaad.