Masaajid La Dhisay 2 Sano Kaddib Geeridii Nebi Muxamed (SCW) Ayaa Laga Helay Dhulka Ay Israa’iil Haysato

0
1086

Rahat (Geeska)- Xeeldheereyaasha raad-raaca aataarta ee Israa’iil ayaa helay hadhaaga masaajid ka mid ah masaajid mawlac ah oo la qiyaasayo in la dhisay xilligii ugu horreeyey ee uu Islaamku gaadhay deegaanka Naqab ee koonfurta Falastiin.

Mawlacan oo noqonaya kuwii ugu horreeyey adduunka ayaa ay masuuliyiinta raadraaca ee Israa’iil ogaadeen in da’da dhismihiisu ay tahay 1200 oo sano, taas oo macnaheedu yahay in taariikhdiisu ay ku beegan ta hay qarnigii toddobaad ama siddeedaad ee taariikhda miilaadiga.

Masaajidkan ayaa la helay xilli lagu gudo jiray hawlo dhisme oo ka socday tuulada Rahat ee lama degaanka A-Naqab, oo ka mid ah deegaannada Falastiiniyiinta ee ay Israa’iil sida rasmiga ah ula wareegtay.

Masuuliyiinta waaxda aataarta ee Israa’iil ayaa khamiistii 18 Julaay 2019 ka sheegay in ay Qudus ku yaallaan masaajiddo waawweyn oo taariikhda mawlacan gaadhsiisan, laakiin deegaanka mawlacan laga helay ay ku cusub tahay in laga helo masaajid maadaama oo aanu magaalo ahayn xilliyadaas. Waxa aanay qiyaasayaan in mawlacan ay dhiseen dadkii beeraleyda ahaa ee xilligaas deggenaa dhulka.

Hadhaaga masaajidkan mawlaca lagu tilmaamay oo si fiican uu seeskiisu u dhisan yahay ayaa laga saaray dhulka hoostiisa oo uu ku aasmay. Waxa aanay xeeldheereyaasha baadhista ku sameeyeye qiyaasayaan in aanu jirin masaajid la da’ ah oo deegaannada ka agdhow ka jiraa, iyaga oo aaminsan in uu dhismihiisu ku beegan yahay markii Islaamku uu soo gaadhay dhulka Falastiin oo lagu qiyaasayo 636-dii miilaadiga oo qiyaas ahaan ku beegan laba sano kaddib dhimashadii Nebi Muxammed (SCW) ee uu Khilaafada islaamka hayey Abubakar Siddiiq ama bilowgii muddo xileedkii Cumar Bin Khaddaab labadoodaba Alle raalli ha ka ahaado ee.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here