Caanaha Naaska Hooyadu Waxa Ay Awood U Leeyihiin In Ay Burburiyaan Burooyinka Kansarka Ah

0
951

London (Geeska)- Cilmibaadhis cusub oo natiijadeeda dhowaan lagu faafiyey wargeyska Daily Telegraph ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa lagu ogaaday in maaddo kiimikaad oo ku jirta caanaha hooyadu ay awood u leedahay in ay burburiso burooyinka Kansarka ee jidhka ku samaysma.

Daraasaddu waxa ay sheegtay in maadaddan oo lagu magacaabo ‘Alpha1H’ ay si weyn u caawiso in burooyinki ay sidooda qurub-qurub ugu googo’aan, taasina ay keento in burburku si aan la dareemayn u soo raaco kaadida bukaanka.

Cilmibaadhis kale oo uu sameeyey cisbitaal jamacadeedka Motul oo ku yaalla magaalada Prague ee jamhuuriyadda Czech ayaa tijaabo ay samaysay ku ogaatay in dad qabay kansarka kaadi-haysta oo la siiyey caanaha naaska hooyadu ay ka bogsadeen xanuunkan. Iyada oo dadka tijaabada laga qaaday qaarkood laba saacadood markii caanaha cabbeen kaddib, la arkay in burburkii buradu uu kaadidooda la socdo, iyada oo sida oo kalana hoos u dhac weyn laga arkay dhumucdii ay buradu marka hore lahayd iyo xanuunkii ay bukaanka ku haysay.

Bare-sare Kathrine Svedberg, oo ah cilmibaadhaha bilowgii hore oo ahayd sannadkii 1995 kii sameeyey daraasadda muujisay in maadadda ‘Alpha1H’ ay burburinayso burooyinka ayaa sheegtay in ay ku rajo weyn tahay in soo saarista kiniin ka samaysan maadaddan oo burburin kara noocyo kala duwan oo burooyinka kansarka ah.

Waxa ay sheegtay in sababta ay maadaddani ugu jirto caanuhu ay tahay in ay caawiso soo saarista sonkorta caanaha ku jirta ee Lactose oo muhiim u ah nafaqada carruurta, sida oo kalana leh faa’iido ah in ay caanaha u rogto dareere.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here