Marxuum Cabdiweli Faarax Jaambiir Oo Maanta Hargeysa Lagu Aasayo

0
697

Picture1Hargeysa(Geeska)-Alle haw naxariiste waxa shalay magaalada Hargeysa ku geeriyooday maamulihii Wargeyska Ogaal Marxuum Cabdiweli Faarax Jaambiir.a

Marxuumka oo shalay geeriyooday, wuxuu muddo u jiifay xanuun haleelay, waxaana maanta lagu aasayaa xabaalaha Naasahablood ee magaalada Hargeysa. Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa saxaafadda iyo shacabka Somaliland ka tacsiyeeyay geerida ku timid Marxuum Cabdiweli Faarax Jaambiir. Sidoo kale wasiirka warfaafinta Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir ayaa isna bahda saxaafadda ka tacsiyeeyay geeridaas naxadinta leh.

Alle haw naxariisto ee Marxuum Cabdiweli Faarax Jaambiir, wuxuu ahaa ruug-cadaa saxafi ah oo muddo dheer ku soo dhex jiray bahda saxaafadda Somaliland, waxaanu sidoo kale ahaa macalin qayb libaax ka qaatay horumarinta waxbarashada dalka. Alle haw naxariisto Marxuumka oo haw nuuro xabaasha.