Murashax Dhallinyaro Ah Oo Cadeeyay Inuu Ka Qayb Geli Doono Tartanka Doorashada Golaha Wakiilada

0
903

Picture2Hargeysa (Geeska) – Farxaan Maxamed Cumar oo ka mid ah siyaasiyiinta dhalinyaradda ah ee tobankii sanadood ee ugu danbeeyayba ka dhex muuqday fagaarayaasha lagu faaqiddo hawlaha Siyaasadda ayaa shaaciyay inuu u sharaxan-yahay Golaha Wakiillada doorashada soo socota.

Farxaan Maxamed Cumaroo waqtigii uu siyaasada ku jiray naf iyo maalba dul-dhigay Xisbiga Kulmiye ee taladda haya, ayaa waxaa uu sheegay in soo jeedimo badan oo kaga yimi wax-garadka dalka qaar ka mid ah iyo waliba taageerayaal ka tirsan beeshiisa ka dib uu ku qancay inuu shaaciyo murashaxnimaddiisa. Waxaana uu yidhi isaga oo arrimahaas ka hadlaya. “Marka hore in qofka la doorto waxna uu dooran karaa waxa ay ka mid-yihiin xuquuqaha aas-aasiga ah ee muwaadiniinta reer Somaliland ka simanyihiin Dastuuriyan.

Annigoo qodobkaas ka duulaya, waxaan halkan ka cadaynayaa in aan u taagnahay ka mid noqoshadda murashaxiinta doorashadda Wakiillada ee soo socota haddii Ilaahay Idmo.  Waxaanan u shaacinayaa in aan ku wargeliyo oo warbaahintana u mariyo Taageerayaasha. Sababta oo ah markii hawshani ugu dhalatay soo jeedin iyo la tashi ka dib, waxaan ahay ninkii ugu horeeyay ee Waxgaradka beeshiisa ku wargeliyay damaciisa siyaasiga ah. Badankooduna waa igu taageereen ka dib markii ay muuqatay in baahi loo qabo Xildhibaan danta qaranka iyo tan deegaankiisaba ka shaqeeya. Maadaama aan reerku lahayn Wakiil  Golayaasha Baarlamaanka uga ololeeya. Sidoo kale, waxaan doonayaa in aan rag badan oo aan muddo dheer badhitaarayay siyaasiyan oo aanay suurtagelin in aan toos ugu wargeliyo aan halkan uga bayaamiyo si aanaan isula waayin Jaanta.”