Marwada Koowaad Ee Maraykanka: Nolosheedii Qasriga Ka Hor, Sidii Ay Maraykanka Ku Timi Iyo Xogo Kale Badan

0
1125

Washington (Geeska)- Melania Knavs oo intii ay Donald Trump guursatay magaceeda isu beddelay Melania Trump, waxa ay asal ahaan ka soo jeeddaa dalka Slovenia. Sannadkii 1970 kii ayaa ay ku dhalatay tuule yar oo ku dhow xuduudka uu dalkaasi la wadaago dalka Croatia, halkaas ayaanay bilowgii hore ee cimrigeeda ku soo qaadatay.

Melania waxa ay ku shaqaysan jirtay xayeysiinta dharka oo ay ka soo shaqaysay shirkado waaweyn oo ku yaalla Talyaaniga iyo Faransiiska, ka hor intii aanay sannadkii 1996 kii u guurin magaalada New York ee dalka Maraykanka oo ay ka heshay dal-ku-gal shaqo, waxa aanay heshiisyo dhar xayeysiin ah kula shaqaysay shirkado ay ka mid ahayd Trump Model Management oo uu leeyahay Trump.

Sannadkii 2001 ayaa ay Melania dalka Maraykanka ka heshay degenaanshiyo rasmiya oo ah sharciga lagu magacaabo kaadhka cagaaran (Green Card). Sannadkii 2005 waxa ay guursatay maalqabeenka Maraykanka ee Donald Trump iyada oo sannadkii xigay ee 2006 heshay jinsiyadda rasmiga ah ee Maraykanka. Laga soo bilaabo bishii koowaad ee sannadkan 2017 kana waxa ay ahayd marwada koowaad ee Maraykanka, kadib markii saygeeda Donald Trump uu noqday madaxweynaha Shan iyo Afartanaad ee dalka Maraykanka.

Magaca Sirdoonka Maraykanku u bixiyey:

Sida caadiga ka ah Marakanka hay’adda sirta ah ee ilaalada madaxweyneyaasha iyo masuuliyiinta muhiimka ahi waxa ay hoggaamiye kasta ula baxdaa magac-afgarasho oo ay u isticmaasho. Waana sababta isla markii uu Madaxweyne Trump xilka dalkaas qabtay ay wakaaladdani ugu bixisay ‘Mogul’ oo ah kelmad afingiriisi ah oo lagu magacaabo ‘Qofka magaca iyo awoodda ku dhex leh warbaahinta ama filimka’, halka marwo Melania iyadana ay ula baxeen magaca ‘Muse’ oo lagu magacaabo ‘Qofka Ruuxda iyo firfircoonida dadka ku abuura’ ujeedooyinka ay magacan ugu dooreenna waxaa ka mid ah in iyada iyo odaygeeda loo bixiyo laba magac oo isku xaraf ka bilowda.

Maxay kaga duwan tahay marwooyinkii koowaad ee hore?

Melania waa gabadhii labaad ee dhalasho ahaan dal shisheeye ka soo jeedda (La muwaadineeyey) ee marwada koowaad ka noqota dalka Maraykanka, waxa aana ka horreysay Marwo Louisa Adams oo u dhaxday John Adams oo ahaa madaxweynihii Lixaad ee Maraykanka. Louisa waxa ay ku dhalatay asal ahaanna ka soo jeedday dalka Ingiriiska.

Marwo Louisa Adams iyo Marwo Melania joogitaankooda aqalka Cad waxaa u dhexeeyey 188 sano.

Melania waa marwadii koowaad ee Maraykanka ugu horreysay ee aan afkeeda koowaad ahayn Ingiriisi. Maadaama oo uu dhererkeedu yahay 1.80 mitir, waxa ay ka mid tahay saddexdii Marwo Koowaad ee ugu joogga dheeraa dalka Maraykanka, waxaana wehelinaya Marwadii koowaad ee iyada ka horreysay Michelle Obama iyo marwo Eleanor Roosevelt.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here