Shiinaha Oo Sameeyey Diyaarado Ku Shaqaynaya Saliidda Cuntada Iyo Faa’idooyinka Laga Filayo In Ay Soo Kordhiso

31
4288

Beijing (Geeska)- Shirkad diyaaradeed oo shiinuhu leeyahay ayaa ku dhawaaqday in ay ku guulaysatay in ay hawada geliso duulimaadyo dalka dibaddiisa ah oo ay diyaaraduhu shidaal ahaan u isticmaalayaan qashinka saliidda cuntada.

Wakaaladda wararka ee Xinhua ayaa sheegtay in shirkadda diyaaradaha ee Hainan ay arbacadii ina dhaaftay ku dhawaaqday in diyaarad ay leedahay oo nooceedu yahay Boeing 787 ay u kala gooshtay magaalooyinka Beijing ee caasimadda Shiinaha iyo Chicago ee dalka Maraykanka, iyada oo isticmaalaysa shidaal ay soo saarto shirkadda Sinopec oo ka samaysan saliidda cuntada lagu samaysto.

Warkan uu Geeska Afrika turjumay ayaa intaas ku daraya in diyaaraddaas oo duushay masaafad ka badan 11 kun oo kiiloomitir ay badqab iyo cillad la’aan ku fadhiisatay gegida caalamiga ah ee diyaaradaha ee magaalada Chicago.

Shirkadda Sinopec oo ka hadashay ujeedada shidaalkan ay soo saartay ayaa sheegtay in ay doonayso in uu ka qaybqaato dhimista wasakhda ka dhalata shidaalka ee hawada gelaysa. Waxa se uu hoosta ka xariiqay in faa’idada shidaalkani aanay intaas oo keliya ahayn, balse ay sida oo kale u fiicantahay badqabka iyo tayada mishiinnada diyaaradaha.

Tallaabadan ayaa ah mid iskaashi rayida ah oo ay dalalka Maraykanka iyo Shiinuhu doonayaan in ay iska kaashadaan diyaaradaha rayodka ah ee hawada la saaxiibka ah. sannadkii 2015 ayaa ay ahayd markii ugu horreysay ee shirkadda diyaaradaha Hainan ay gasho duulimaadyo dalka Shiinaha gudihiisa ah oo ay diyaaraduhu isticmaalayaan saliidda cuntada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here