Cunista Sonkorta Waxaa Loo Qabatima Sida Balwadda Xun Maandooriyaha Ah, Iska Jir In Aad Ilmahaaga Yarida Ku Barto

47
3718

London (Geeska)- Dhakhaatiirta Caafimaadku waxa ay ka digayaan in carruurtu inta ay yar tahay la baro cunista badan ee sonkorta, maadaama oo si la mid ah maandooriyaha uu qofku u qabatimo, kuna adkaato in uu joojiyaa. Warbixin uu Geeska Afrika ka soo xigtay Talefishanka Aljazeera ayaa lagu sheegay in daraasado kala duwani ay caddeeyeen in sonkorta loo qabatimo si la mid ah maandooriyaha. “Marka aad qabatinto cunista sonkorta, ee aad maalin kasta u baahato, waxa aad gaadhi doontaa heer aad cunisteeda xiise aanad xakamayn karin u qaaddo, oo ay kula gaadho in ay maskaxdaada oo dhan qabsato raadinteedu, haddii aad weydana aad raadiso wax uun macaan. Marka aad cunaysana aad ku raaxaysato..” Sidaa waxaa yidhi Dr. Mark Demister, isaga oo sii sharraxay sababta keenaysa in la qabatimo, “Maadadda sonkorta ku jirta ee dopamine oo marka ay maskaxda gaadho keenaysa in qofku dareemo macaanis iyo xasilooni. Waxa ay maadaddani keenaysaa in qofka ay ku adkaato in uu sonkorta iska daayo”

Daraasaduhu waxa ay sheegeen in maadadda Dopamine ay tahay ta laga helo maandooriyaha ee qofku marka uu isticmaalo ku abuurta farxadda iyo raynrayn malo-awaal, isla maadaddaasina ay ku jirto sonkorta, sababna u noqoto in dad badani ay is xakamayn kari waayaan, marka ay arkaan sonkor ama waxyaabaha laga sameeyo ee macmacaanka ah. illaa ay gaadho heer aanu qofku iska deyn karin illaa uu la kaashado xeeldheereyaasha nafsiga ah ee sida oo kalana la qabsiga maandooriyaha dadka ka daweeya.

Ugu dambayntii waxa ay khuabradu sheegeen in jidhka bani’aadamka ay ku adag tahay in uu burburiyo sonkorta, iyada oo marka ay jidhka ku badatana keenaysa buurni iyo xanuunka macaanka noociisa labaad, sidaa awgeed waxa ay ku taliyeen in lagu dadaalo cunista macaanka dabiiciga ah ee khudradda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here