Markii Ugu Horreysay Taariikhda Oo Shamaca Ciyaaraha Olambikada Adduunka La Geeyey Masaajid

0
970

1Brasilia (Geeska)- Muslimiin ka mid ah dadka deggen magaalada Foz do Iguacu oo ku taalla xuduudka saddex geesoodka ah ee ay Baraasiil la wadaagto dalalka Baarugwaay, iyo Arjantiina, ayaa khamiistii toddobaadkii hore si aad u diirran masaajid ugu caansan magaaladaas dhexdiisa ugu soo dhoweeyey shamaca astaanta u ah ciyaaraha Olambikada dunida.

Dadkan oo lagu qiyaaso in ka badan 20 kun oo qof oo badankoodu ah dad dhulkaas marka hore Soo-galeeti ahaan ku galay, oo ka soo jeeda Carab, gaar ahaan u sii badan Lubnaaniyiin Muslim ah ayaa la sheegay in ay aad ugu damaashaadeen dhacdadan oo noqonaysa tii ugu horreysay taariikhda Shamaca ciyaaraha Olambikada dunida.

Shamaca waxaa siday nin u dhashay dalkaas oo lagu magacaabo Edwaardo Liima, waxa aan la soo mariyey magaalooyin badan, markii uu magaaladan soo gaadhay ayaanu la soo hor istaagay masaajidkan lagu magacaabo Cumar Bin Khadaab oo ka mid ah goobaha dalxiis ahaanta loo daawado ee magaaladan dalxiiska aad loogu tago, waxa aanu kadinkiisa la hor istaagay shamaca oo uu kor u lulayo, dadka muslimiinta ahaa ee masjidka ku jiray iyo kuwo ka agdhowaa ayaa iyaga oo aad u faraxsan ku soo xoomay oo wiilkan shamaca siday ku riixay in uu masaajidka la galo.

Shamaca oo sida caadadu tahay la soo mariyo dunida oo dhan ka hor inta aan la geynin magaalada ay sannadkaas ku qabsoomayaan ciyaaraha Olambikada caalamiga ahi ayaa 5tii bishii May soo gaadhay dalka Baraasiil oo sannadkan lagu qabanayo, tan iyo waqtigaasna waxaa Shamaca lagula wareegayey magaalooyinka dalka Baraasiil, illaa aakhirkii la geeyey magaalada Rio de Janeiro oo ciyaarahan si rasmi ah looga bilaabi doono 18ka bishan aynu ku jirno ee Julaay.