Qormooyinkii Sannadkii U Dambeeyey Ugu Akhriska Badnaa Googooska (2): Soomaaliyad Malaayiin Doolar Ka Dhaxashay Maalqabeen Sucuudiya Oo Guurkeeda Labaad Tartan Loo Galay

0
612

1Riyaad (Geeska)- Waxaa maalmihii u dambeeyey ay warbaahinta ka faalloota arrimaha bulshada ee dalka Sucuudigu aad u hadal haysay sheekada gabadh saygeedii oo geeriyooday una dhashay dalka Sucuudiga ka dhaxashay lacag lagu qiyaasay 67 Mlyan oo Riyaalka dalka Sucuudiga ah. Qisadan oo si aad ah ugu dhex wareegaysay bar-kulannada bulsho ee dalka Sucuudiga iyo dalal kale oo carbeed ayaa abuurtay hirar faallooyin, lafagur iyo kaftan ah.

Umayma oo ah gabadh Soomaaliyeed ayaa ah gabadha uu ka geeriyooday maalqabeenkan u dhashay Sucuudigu, isla markii warka dhaxalka ay heshay soo baxayna waxaa bar-kulannada bulshada ee internet ka iyo warbaahinta maxalliga ah ku soo butaacay codsiyo ay rag kala duwan oo carbeed kaga dalbanayaan in ay guursato, in kasta oo dalabkan guur u badan yahay kaftan iyo maadays haddana waxa uu noqday mawduuc aad u xiise badan kadib markii shabakadda Twitter ay dhalinyaro rag ahi ka sameeyeen ardaa (Hashtag) ay ugu magac dareen #Umayma_i_guurso, laba saacadood gudahood ayaana ay kaga soo jawaabin dad tiradoodu ka badan tahay 2 kun oo qof.

Warkan waxaa xiisaha gaarka ah u sameeyey waxa uu ahaa in maalqabeenkan Sucuudiga ahi uu gabadhan Soomaaliyeed si qarsoodi ah u minyaraystay oo aanu qoyskiisa iyo xaaskiisa hore u sheegin, isla markaana uu dhintay markii ay bil keliya is-qabeen iyada oo weliba aanu si rasmi ah haayadaha ku shaqada leh arrimaha qoyska ee dawladda Sucuudiga uga diiwaangelin guurkiisa gabadhan.

Warka Umayma oo uu wargeyskan Geeska Afrika ka soo ururiyey ilo dhowr ah oo uu ka mid yahay wargeyska Al-Madiiinah ee ka soo baxa dalka Sucuudiga, ayaa intaas ku daraya in Umayma ay tahay 22 gu’ jir, si sir ah u guursatay ganacsadahan Sucuudiga ah, cidda keliya ee qoyska ninkan ka og guurkanina ay ahayd ninka walaalkii iyo mid ka mid ah saaxiibbadiisa aadka ugu dhow, bil kadib guurkanna maalqabeenkani waxa uu si kedis ah ugu dhintay wadne-istaag, isaga oo xilliga uu wadku qabtayna ku sugnaa guriga xaaskiisan cusub ee qarsoodiga ahayd.

Gabadhan Soomaaliyeed markii uu saygeedu geeriyooday waxa ay qoyskiisii iyo ubadkii uu ka tegey u sheegtay in ay tahay minyaradii aabahood, laakiin warkaasi waa uu ka daadagi waayey waxa aanay u qaateen gabadh damac ka hayo hantida tirada badan ee aabahood ka tegey, sidaa awgeed waa ay caydhiyeen. Laakiin Umayma arrintan intaas kagama ay hadhin ee waxa ay maxkamadda guud ee dalka Sucuudiga ka furatay dacwad madanig ah oo ay ku dalbanayso in la caddeeyo xaqa ay u leedahay in ay ka qaybgasho dhaxalka saygeeda.

Maxkamaddu markii ay muddo dhegeysanaysay dacwaddan labadeeda dhinac, isla markaana ay qaadday maragga maalqabeenka walaalkii iyo saaxiibkii oo markhaati ka ahaa meherka Umayma, sidoo kalana uu qareenka ay qabsatay ee u doodayey Umayma soo hordhigay maxkamadda warqad uu saxeexay maalqabeenka geeriyooday oo 67 sano jir ahaa, taas oo uu ku caddaynayo in uu Umayma u guursaday si waafaqsan shareecada Islaamka oo ay tahay xaaskiisa oo leh xuquuq xaasnimo oo dhamaystiran. Waxa ay Maxkamaddu ku dhawaaqday go’aankeeda oo noqday in Umayma ay tahay xaas uu ka dhintay maalqabeenkaas Sucuudiga ahi sidaa awgeed ay xaq u leedahay in ay hesho qaybta shareecada Islaamku ka siinayso dhaxalka wixii uu adduun ka tegey, go’aankaas oo qoyska maalqabeenkuna u hoggaansamay ayaa ay Umayma ku heshay dhaxal lacageed oo u dhigma 18 Milyan oo Doolarka Maraykanka ah iyo Guri fillo ah oo ku yaalla magaalada Jiddah ee boqortooyada Sucuudiga oo ah halka ay deggenaayeen Ummayma iyo maalqabeenkani, in kasta oo sida uu warku sheegayo ay marka hore isku guursadeen dal kale oo Carbeed oo aan la magacaabin, kadibna ay Umayma dalka Sucuudiga ku gashay Dal-ku-gal booqasho oo uu u soo saaray maalqabeenku.

Haddaba war uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda wararka ee Al’aan ayaasheegaya in Injineer u dhashay dalka Lubnaan ayaa ku guulaystay in uu gabadhan dhalinyarada ah ee Soomaaliyeed ku qanciyo in ay guursato. Dhammaad