Marka Ay Dowladdu Faaliye Rumaysato: Dal Raadinaya Dahab Uu Faaliye Sheegay In Uu Dhulka Ku Aasan Yahay

0
665

Picture8Delhi (Geeska)- Culimada raad-raaca aataarta ee dalka Hindiya ayaa dhowaan bilaabay in ay qodaan dhulka goobo dhufaysyo iyo gabbood qaddiima ah oo ku yaalla woqooyiga dalkaas, si ay u raadiyaan kayd dahab ah oo nin faalliye ahi uu sheegay in uu manaam ku arkay in halkaas qarniyo badan ka hor lagu aasay.

Masuul sare oo ka tirsan degmada Ounaw oo ka tirsan gobolka Uttar Pradesh ayaa sheegay in koox khubaro ah oo ka kooban Laba iyo Toban qof oo xubno ka ah haayadda raadinta aataarta ee dalka Hindiya ay si rasmi ah shaqo baadhis ah uga bilaabeen goobtan taariikhiga ah ee uu Faaliyuhu sheegay in uu ku riyooday inuu ku aasan yahay Kun Ton oo dahab ahi.

Masuulkan oo lagu magacaabo Vijay Anand Kiran waxa uu intaas ku daray, “Waxaa suurtogal ah in hawshan baadhista dahabku ay socoto muddo bil ah, dhammaan hawlaha ay khubaradani samaynayaan ee baadhista ahna waxaa laga duubayaa kamarado”

Faaliyahan oo lagu magacaabo Sobhan Sarkar ayaa intii aanay khubaradu bilaabin hawsha baadhista dahabkan waxa uu goobtan ku qabtay cibaadada lagu magacaabo Puja oo ah nooc duco ah oo ay farayso diinta ay aaminsan yihiin.

Warkan oo Geeska Afrika uu ka soo xigtay shabakadda Al-Jazeera oo soo xiganaysay wakaaladda wararka madaxa bannaan ee ugu weyn dalka Hindiya oo magaceeda loo soo gaabiyo IANS waxa uu intaas ku daray in deegaankan uu ka talin jiray hoggaamiye lagu magacaabi jiray Rajo Rao Ram Bukish Singh sannadkii 1857kii ka qayb galay kacdoonkii dadka Hindiya ay kala horyimaaddeen gumaysigii Ingiriiska, kadibna inta ay maamulkii gumaystuhu qabteen ay daldaleen. Faaliyahan ayaa ku andacoonaya in hoggaamiyehaasi manaam ugu yimid, kadibna uga warramay in uu daryeelo Kumannaan ton oo dahab ah oo markii uu talinayey uu ku aasay ciidda dhulka dhufaysyada ah ee degmadan ku wareegsan.

Sobhan Sarkar ayaa markii uu riyadan arkay waxa uu warqad u qoray raysalwasaaraha dalka Hindiya Manmohan Singh, isaga oo ka codsanaya in la qodo godadkan si loo soo saaro kaydkaas kadibna xukuumaddu la wareegto si ay uga hortagto dhibaatada dhaqaale ee jirtay. Sidoo kale faaliyuhu waxa uu arrintan kala xidhiidhay siyaasiyiin deegaankaas ah, oo iyaguna arrintan ku wargeliyey wasiirro ka tirsan dowladda dhexe ee dalka Hindiya oo fadhigoodu yahay magaalada caasimadda ah ee New Delhi.

Arrinta xiisaha leh ee kale ayaa ah in dadka deegaankan oo iyagu si aad ah u rumaystay manaamka uu sheegtay Sarkar ay markiiba soo saareen baaq ay ku dalbanayaan in dahabkaas marka la soo saaro boqolkiiba 20 ay dowladdu ku bixiso barnaamijyo ay ku horumarinayso gobolkan laga helay.