Maal-qabeeno Sucuudi Ah Oo Sheegay Inay Maalgashii Ku Sameyn Doonaan Somaliland

0
547

Picture1Hargeysa(Geeska)-Saddex Maal-qabeen Sucuudiyaana oo kala ah Abu Khalid, Abu Nawaaf iyo Abu Cabdalla, oo maalmihi u danbeeyey booqasho ku joogay Somaliland ayaa shaaciyay inay Somaliland ka furi doonaan Xarun Ganacsi Caalamiya oo ganasatada u sahli doonta iyaga oo dalka jooga inay alaabta ay u baahdaan loogu keeni doono.

Ganacsataddan oo maalgashi ku samayn doonna Somaliland, ayaa waxay dalka ka furri doonnaa Shirkaddo ganacsi oo iskugu jira kuwo ay iyagu leeyihiin iyo kuwo ay Wakiil ka yihiin, waxaannay ganacsataddani dalka Sucuudiga ku leeyihiin  Shan  Telefishin oo  laga daawado dalkaas iyo dalalka kale ee Carabta.

Xaflad si heer sare loo soo agaasimay oo maanta lagu qabtey Huteelka Star ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa Ka soo qeybgalay, Mulkiilaha Shirkadda Somaliland International Trade Company (SLITCO) Ismaaciil Faarax Ibraahim, Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Cumar Sheekh Maxamed Faarax, Wasiirkii hore ee Wasaarada Arrimaha Dibada Somaliland Marwo Edna Aadan Ismaaciil, Ganacsato, Aqoonyahan, Haween, Dhalinyaro, Waxgarad, iyo marti-sharaf kale oo tiro baddan.

Mulkiilaha Shirkadda Somaliland International Trade Company (SLITCO) Dr. Ismaaciil Faarax, ayaa waxa uu sheegay inay shirkaddiisu ay Somaliland ka dhisnayd muddo sanad  ah, isla markaana ay maal-qabeenada Sucuudiyaanka ay xidhiidh wada-shaqeynayd leeyihiin, waxaanu yidhi  “Waa markii ugu horeysay ee Maalqabeeno Sucuudiyaani yimaadaan Somaliland, waxaanay joogeen muddo saddex cisho ah,oo waxaanu soo marnay dhowr meelood oo ay ka mid tahay Madaxtooyadu, Wasaarada Kalluumeysiga, waxaanu la kulnay Wasiirka Ganacsiga Somaliland, waxa kale oo aanu booqanay Wershada Sharaabka Coca colaha. Maal-qabeenadan Sucuudiyaanka ayaa waxay markii hore aragtidooda la xidhiidha Somaliland ay ahayd inay ka Shakisan yihiin, laakin imika nabadda iyo horumarka yaala markii ay arkeen aad iyo aad ayay ugu farxeen iyo in dalka laga faa’iideysan karo”

“U-jeedada u weyn ee ay Somaliland u yimaadeen raggani waxa weeyaan inay sameeyaan Xarun ganacsi oo caalamiya,taas oo tijaabadeedii laga sameeyey Sucuudi Arabiya, oo ah in tijaarta dalka loo sahlo iyaga oo aan tagin Chine ama Dubia in halkan Somaliland alaabta loogu keeno, xidhiidhkiina wuu qabsoomay, haday noqoto Wasaarada ganacsiga Somaliland, haday noqoto Shirkadda Dahabshiil, oo wixii maalgashiya ay labada dhinac ku heshiiyeen.

Maalqabeenaddani sucuudiyaanka ahi waxay sheegeen in kalluunka Somaliland ay dibadda u dhoofin doonnaan, oo Somaliland noqonayso dalka lixaad ee ay ka shaqeeyaan, isla markaanna ay Warshaddo yar yar dalka ka furi doonnaan, waxaannay ganacsataddani biriish u noqon doonnaan dalalka Carabta  iyo Somaliland, maadaama ay leeyihiin xarumo warbaahineed oo telefishinno ah.

Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Somaliland Cumar Sheekh Maxamed Faarax oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Ganacsatadan nooga timi Sucuudi Arabia waan soo dhaweynaynaa, Sucuudi Arabia iyo Somaliland waa laba waddan oo walaalo ah oo muddo dheer isku xidhnaa, intii aan jireyba dhaqan ahaan iyo ganacsi ahaan-ba. Waddankan (Somaliland) waa waddan hoddana oo khayraadku uu buuxo.Waxaan loo dhididin oo aan loo daalin dhayal laguma cuno.Waddamada aad adduunka arkaysa ee ay ku jirto Sucuudi Arabia, dadku 24-ka sacadoodba way shaqeynayaan, dhul barafa oo -15 Degree ah ayaan qofka la ogolayn inuu saacad ama miridh ka maqnaado shaqadiisa, waana waxay wax ku gaadheen. Shaqadu waa waxa wax lagu gaadho.”

“Maanta dhaqaalaha waddankeenu waxa uu ku dhisan yahay Ganacsade Sucuudiyaanka ee Al-jaabiri oo Xoolaha innaga qaataa.Waynu u baahanahay maalgashi, Shirkaddahan iyo kuwo kaleba, waxa noo socda wada-hadal ah inay soo degaan dalka oo ay maalgashi ku sameeyaan, waan ku rajo-weynahay,iyagana waan soo dhaweynayaa.”.Ayuu yidhI Cumar Sheekh Maxamed Faarax

Wasiirkii Hore ee Wasaarada Arrimaha Dibada Somaliland Dr. Edna Aadan Ismaaciil oo halkaasi ka hadashay ayaa waxay tidhi “Dalkaasi aynu u tagno Xajka iyo Cumrada, inay dad ka socdaa inoogu yimaadaan Waddankeena, iyaga oo ku niyad wanaagsan, oo ay leeyihiin dadkan maanta jooga maxaanu la qaban karnaa? Maxaanu isla qaban karnaa? Aniga farxad weyn ayay ii tahay. Waxa kale oo aan aad iyo aad ugu faraxsanay inay yihiin dad maskax furan iyo inaga oo isku duuban umadd ahaan inay wax nala qabtaan ayay doonayaan Dalkoodu (Sucuudi Arabiya) aad ayay u horumareen”

“Ganacsatadan waan ku soo dhaweynayaa dalka Somaliland”.Ayey tidhi Marwo Edna Aadan.

Maal-qabeenadan Sucuudiyaanka oo la kala yidhaahdo  Abu Khalid, Abu Nawaaf iyo Abu Cabdalla ayaa waxay sheegeen inay ku faraxsan yihiin imaanshiyahooda Somaliland, isla markaana ay la dhaceen horumarka iyo nabadda Somaliland ka jirta iyo weliba khayraadka ceegaaga, waxaanay xuseen si isku mida inay dalka Somaliland u yimaadeen inay maagashi ku sameeyn doonaan, isla markaan ay ka furi doonaan Xarun Ganacsi oo qofkasta oo Ganacsto reer Somaliland ah u sahli doonta iyaga oo jooga dalkooda inay heli doonaan alaab tayadoodu wanaagsan, isla markaana ay Somaliland ka faa’iidi doonto Xaruntan ganacsi shaqo-abuur fara badan oo dhalinyarada  ka heli doonto.