Facebook Oo Si Khalad Ah U Xidhay Bogga Gabadh Leh Magac U Eeg Ka DAACISH

0
649

Picture7New York (Geeska)- Shirkadda Facebook ayaa shaacisay in si qalad ah u xayirtay bog shakhsi ah oo ay lahayd haweenay lag magacaabo Isis Anchalee kadib markii magacu uu ula ekaaday magaca ururka dowladda Islaamiga ah ee Ciraaq iyo Shaam oo marka la soo gaabiyo afka Ingiriisiga ku noqda ISIS.

Isis Anchalee ayaa markii ay ku war heshay in xisaabta ay ku lahayd bar-kulankan bulshada la xayiray markiiba inta ya sawirtay ereyada uu u soo saarayey ee ahaa in xisaabtan la xayiray kadibna bar-kulanka bulsho ee Twitter kala xidhiidhay facebook.

Anchalee oo deggen magaalada San Francisco ee dalka Maraykanka ayaa Isniintii toddobaadkii ina dhaafay sheegtay in markiiba ya garatay in sababta loo xidhay boggeedu ay tahay shaki laga qaaday magacan u eeg ka DAACISH, kadibna ay masuliyiinta facebook u dirtay ku tidhi, “Maxaa u xidheen boggayga shakhsiga ahaa? Magacaygu waa Isis Anchalee” Laakiin sida ay sheegtay jawaab degdeg ah ma’ah helin, taas oo kalliftay in ay saddex jeer xogteeda shakhsiga ah ee facebook ugu jirtay ay u dirtay shirkadda si xal looga gaadho mushkiladdan.

Anchalee waxa ay boggeeda barkulanka bulshada ee Twitter ku tidhi, “Sida muuqatay xitaa sawirka baasaboorkayga oo aan u diray ayaa ku qancin waayey in ay ii furan boggayga”

Si kastaba ha ahaato ee maalintii xigtay oo Salaasadii ahayd ayaa ay jawaab ka heshay mid ka mid ah farsamoyaqaannada facebook uu si kooban ugu sheegay in boggeedii dib loogu furay oo ay hadda isticmaali karto.

Arbacadii sii xigtayna markii uu warkani dibadda u soo baxday ayaa afhayeen u hadlay shirkadda facebook uu warbaahinta u sheegay, “Waxa uu ahaa qalad dhacay iyada oo la doonayey in la joojiyo xisaabo bogag been-abuur ah oo lanagu soo wargeliyey, aad ayaana aanu uga xunnahay dhibta ay arrintaas keentay” Masuulkani waxa uu intaas ku daray in macmiilkaas ay dib ug usoo celiyeen boggiisii xayirnaa.

Dhinaca kalana waxaa maalmihii u dambeeyey socday baaq ay wada jir u soo saxeexayeen dadka leh magaca Isis oo ay warbaahinta dunida kaga codsanayaan in kooxda DAACISH aan loogu yeedhin magaca Isil oo dad badan magac ahaan loo yidhaahdo, waxa aanay baaqooda hal-ku-dheg uga dhigeen, “Joojiya magaca aad ugu yeedhaysaan argagaxisada Dowladda Islaamiga ah, magacayga Isis” Baaqaas oo dadka saxeexay ay tiradoodu maraysa 56’800 oo ruux.