Marka Ay Beentu Bannaantay: Xeelad Uu Sayga Wanaagsani Qoyskiisa Kaga Ilaalin Karo Burburka

0
573

Hargeysa (Geeska) Nin ayaa ay xaaskiisii aad isugu cadhoodeen, cadho adag oo gaadhi gaadhay gacan ka hadal, gabadha oo aad u cadhootay ayaa ninkan ka dalbatay in uu furo, markii ay dhawr jeer ku celisay in uu furo, ayaa inta uu jeebkiisa gacanta geliyey waxa uu ka soo saaray warqad, kadib waxa uu dusha kaga qoray, "Haa, waxa aan ahay hebel hebel, waxa aanan go'aansaday aniga oo maankayga iyo miyirkaygaba qaba in aan dhaqdo xaaskayga sida ugu fiicanna aan ula macaamilo, kama raalli ahi in gabadh aan iyada ahayni xaas ii noqot"

Warqaddii ayuu ku riday gal oo uu ku xidhay, markaasuu u dhiibay xaaskiisii cadhaysnayd ee ka dalbanaysay in uu furo, isna deg-deg ayuu gurigii uga baxay. Gabadhii waxa ay guddoontay warqaddan iyada oo aan hubin waxa ku qoran, dabcan sida dhaqanka Carabtu u badan yahayna meherka gabadha waa loo qaddimaa.

Gabadhii waxa ay ka fikirtay xaggii ay qaban lahayd iyo tallaabada xigta furniinkan ee ay ku dhaqaaqi lahayd. Marka laga tago in gabadhani ay ninkeeda iyo qoyskeeda aad u jeclayd isagana ku ogeyd jacayl balse ay cadho maalintan oo keliya ahi ay ka keentay dalabkan furniinka, waxa kaga sii darnaa in ay ka samri la’ayd carruurteeda ay ku soo tacabtay oo ay og tahay in ay iyada iyo aabahoodba jecel yihiin furniinkanina ku noqon doono wadne go'. Markii ay cabbaar rog-rogtay arrintii waxa ay go'aansatay in ay ninkeeda ergo kula noqoto oo ka raalli geliso wixii gef dhinaceeda ah, isla markaana ay si deggen farta ugu fiiqdo qaladaadkiisa kana dalbato in uu isna dhankiisa raalli gelin bixiyo kadibna ay u wada tagaan sheekh arrintan qiil u raadiya, si ay u sii wada joogaan.

Goor dambe ayuu ninkii guriga ku soo noqday, isaga oo muujinaya in uu cadho qabo ayuu toos u galay qolkii hurdada oo inta uu albaabka soo ceshaday uu jiifsaday. Gabadhii waxa ay soo istaagtay kadinka qolkii hurdada oo ay si ixtiraam leh u soo garaacday, isaga oo wax cadhaysan iska dhigaya inta uu qayliyey ayuu yidhi, "Maxaad doonaysaa?" markii ay u sheegtay in ay doonayso inay wada hadlaan , isla markaana ay raalli gelisay una sheegtay bal in ay ka fikiraan sidii ay uga noqon lahaayeen qorshaha furniinka ayuu ninkii xaaskiisa u sheegay in uu qudhiisu ka xun yahay waxa dhacay aadna u raalli gelinayo, waxa uu u sheegay inta aanay sheekha u tegin in ay akhrido warqadda ay sidato ee furniinka ay u haysato. Gabadhii inta ay dib ugu noqotay qolkii fadhiga ayaa ay la soo baxday warqaddii, kadib farxad ayaa ay cirka martay iyada oo dhanka kalana ku qoslaysa in khiyaamadan kaftanka ah uu ninkeedii kaga badiyey.