Shirkii Maalgashiga Somaliland Oo Saaka Ka Furamaya Magaalada London

0
475

Picture1Hargeysa(Geeska) –Shirka Maalgashiga Somaliland, oo ah Shir caalamiya  oo lagaga hadli doono maalgeshiga Somaliland, ayaa si rasmiya Maanta uga furmi doono Magaalada London ee xarunta dalka England, waxaana Shirkan  ka  qayb gelaya Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Muddane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wafti Wasiiro ah oo uu hogaamin doono, Ganacsato iyo Muwaadiniin u dhashay Somaliland, waxaana sidoo kale Shirkan ka qayb galaya Shirkado iyo Ganacsato ka socota dalalka  Yurub iyo sidoo kale qaar ka mid ah dalalka Afrika, iyadoo ganacsatada Somaliland ay diyaar u tahay inay doorkooda ka qaataan.

Shirkan maalgashiga Somaliland ee Maanta furmaya ayaa Madaxweynaha  Jamhuuriyada Somaliland Muddane Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), ayaa la filayaa inuuu ka  jeediyo  khudbad kooban oo ku taxaluqda maalgashiga Somaliland iyo doorka ay Wadamada kale ee horumaray ku yeelan karaan iyo waliba  sida ay Shacabka Somaliland uga faa’iidaysan karaan kheyraadka ku duugan dalkooda .