Maraykanka Oo Xukuno Culus Ku Riday Laba Nin Oo Somali Ah Oo Al-Shabaab Taageeray

0
585

xadhigMaxkamada magaalada Minniapolis ee dalka Maraykanka ayaa xukun culus ku riday labo nin oo la sheegay inay kamid ahaayeen kooxda Al Shabaab, ragan oo lagu xukumay xabsi 10 sano iyo 20 sano ah.

Maxamuud Siciid cumar oo ah 47 sano jir iyo Kamaal Saciid Xassan oo 28 sano jir ah ayaa maxkamada la horkeenay si ay u dhageystaan xukunkooda. Labada nin ayaa danbiyo kala gedisan lagu soo eedeeyey.

Maxamuud Siciid Cumar oo ah 47 sano jir, ayaa hore uga mid ahaan jiray dadka ka shaqeeya Masaajidka Soomaalida ee Masjid Abubakar ee magaalada Minniapolis, waxaana isaga loo heystay danbi ah inuu wax ka abaabulay isla markaana dhaqaale ku bixiyey dhalinyaro gaadheysa 20 kuwaasi oo dalka Soomaaliya loo diray si ay dagaalka Al Shabaab uga qeyb qaataan. Inta badan dhalinyarada Soomaalida ee Soomaaliya tagay ayaa wax ka baran jiray Masaajidka Abubakar ee uu Maxamuud ka shaqeyn jiray.

Maxamuud Siciid ayaa isagu beeniyey danbiyada lagu soo oogay wuxuuna sheegay in aanu qeyb ka ahayn kooxda Al Shabaab.

Kooxda Qareemada difaacayey Maxamuud ayaa sheegay in ninkan aanu la socon in Al Shabaab ay ahayd koox argagaxiso ah ama ay fuliyeen weeraro dad badan ku dhinteen.

Xeer illaalinta Maraykanka ayaa ku dooday in Maxamuud uu sii waday abaabulka dhalinyarada uu u dirayey Soomaaliya iyadoo laga qarinayo eheladooda, isla markaana uu ogaa in qaar kamid ah dhalinyaradii uu hore ugu diray Soomaaliya ay ku dhinteen weeraro ismiidaamin ah.

Xaakimka Michael Davis oo dacwada dhageysanayey ayaa ku xukumay Maxamuud Siciid Cumar 20 sano oo xadhig ah, xeer illaalinta ayaa iyadu dalbaneysay 50 sano oo xarig ah.

Kamaal Siciid Xassan oo 28 sano jir, Ninkan dhalinyarada ah ayaa la sheegay inuu isagu kamid ahaa kooxdii dhalinyarada ahaa ee ka yimid Maraykanka oo ku biiray kooxda Al Shabaab sanadkii 2007, wuxuuna qirtay inuu ka qeyb qaatay dagaaladii ka dhacay gudaha Soomaaliya ee lagula dagaalamayey ciidamadii Itoobiya iyo kuwa dowlada Soomaaliya.

Kamaal ayaa sheegay inuu dib ugu soo noqday dalka Maraykanka isla markaana aanu  hada wax xidhiidh ah la lahayn kooxda Al Shabaabka ama kooxaha kale ee xag jirka ah, wuxuu sidoo kale Kamaal sheegay in uu aaminsanaa inay tahay Xil diini ah inuu la dagaalamo ciidamadii Itoobiya.

Kamaal oo maxkamada horteeda ka akhriyey codsi uu ka codsanayey xaakimka inaanu  xukun xabsi ah ku ridin ayaa sheegay inuu Eheladiisa iyo waliba shacabka Maraykanka u sheegayo inaanu  dib danbe u geli doonin falal noocaan oo kale ah.

Xeer illaalinta ayaa dhankeeda ku baaqday in la xidho Kamaal maadaama aanay rumeysneyn inuu xiriirka u jaray kooxda Al shabaab, waxayna maxkamada ka shideen Cajalad filim ah oo muujineysa Kamaal oo dhalinyarada Maraykanka joogta ugu baaqayo inay ka qeyb qaataan dagaalka ka socda dalkaas  Soomaaliya. Xeer illaalinta ayaa codsaday in la xukumo Kamaal xabsi ka badan 30 sano.

Xaakimka dacwada dhageysanayey Michael Davids oo dhageystay codsiga Kamaal iyo dacwada Xeer illaalinta ayaa u sheegay Kamaal, inaanu aamini karin codsigiisa maadaama uu arkay sida khatarta ah ee Kamaal u jili karo wuxuu markaasi rabo, isagoo ka waday filimka horey looga duubay. Xaakimka ayaa sheegay inuu 10 sano ku xukumayo isla markaana ka khafiifiyey xadhigii ay codsadeen xeer illaalinta, maadaama uu qirtay danbiyada uu galay oo kamid ahaa inuu ka qeyb qaatay dagaal argagaxiso iyo inuu been u sheegay danbi baadhista Federaalka Maraykanka ee FBI. Qareenada raggan u doodayey ayaa sheegay inay racfaan ka qaadan doonaan xukunka lagu riday labadan.

Digniinta John Kerry

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka John Kerry, ayaa uga digay Madaxweynaha Suuriya Bashar al-Asad in ay noqon doonto xisaab khaldan haddii dowladdiisu aanay kasoo qeybgalin wada xaajoodka lagu dhameynayo khilaafka dalka Suuriya.

Mr Kerry ayaa ka jawaabayay soo jeedin hore oo ka timid saraakiil dowladda Suuriya oo ahaa inay suurtagal tahay inay diidaan inay ka soo qeybgalaan shirkaasi nabadda.

Axadii, ayaa Madaxweynaha Mareykanka iyo Raiisul Wasaaraha Britain ay ku heshiiyeen in cadaadis la saaro dowladda Suuriya.

Dhinaca kale, si weyn ayaa loo cambaareeyay video internetka la soo geliyay dalka Suuriya.

Video ayaa waxa uu muujinayaa nin lagu sheegay taliye mucaaradka oo inta uu soo gooyo kadibna qaniinaya wadnaha iyo beerka askari dhintay dhintay oo ka tirsan ciidanka dowladda Suuriya.

Isbahaysiga mucaaradka Suuriya ayaa sheegay in qofka waxaasi sameeyay maxkamad la soo taagi doono.