Wasaaradda Waxbarashada Oo Sheegtay In Macalimiin Tabobar Loogu Dirayo Dalka Jarmalka

0
938

Hargeysa (Geeska)-Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, ayaa ka hadlay xalaada Waxbarashada dalka, waxaanay sheegeen in dalka Jarmalka tabobabar macalinimo dhinaca farsadamada ah loogu dirayo macalimiin reer Somaliland ah.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Axmed Abokar Maxamed iyo   Guddoomiyaha Waxbarshada Barriga Gobolka Maroodijeex Xuseen Cabdi Cawil (Food-cadde), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn Guddoomiyaha Waxbarshada Barriga Gobolka Maroodijeex Xuseen Cabdi Cawil (Food-cadde), wuxuu hadalkiisi ku bilaabay “Waxbarashada dalkeenu meel wanaagsan bay maraysaa, Wasaarad ahaan iyo Gobol ahaana waxaanu wakhti kasta ku hawllan nahay sidii aanu Waxbarashada horumar u gaadhsiin lahayn, wax kastoo inaga qabyo ahna aynu u dhamaystiri lahayn, xidhiidh aad u wanaagsana waxaanu la leenahay Guddiyada Waalidiinta iyo Guddiyada Dugsiyada, Madaxweynaha Somaliland Muddane Muuse Biixi Cabdi, mar walba si hagar la’aana ayuu u dhiirigeliyaa Waxbarashada iyo horumarka Ardayda, waxaana tusaale inoogu filan, qaabkii wacnayd ee uu ardayda dugsiyada ugu dhigay buugaagta bilaash, markaas inaynu tayeyno oo aynu kobcino Waxbarashadeena si aynu horumar uga gaadhno waa mid naga go’an Wasaarad ahaan iyo Gobol ahaanba”.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Axmed Abokar Maxamed ayaa isna yidhi “Guud ahaan Waxbarashada dalka, Wasaaraddda ayaa ka masuul ah, heerka ay maanta marayso Waxbarashada dalkeena, iyo heerka ay hore u maraysay, wax isku dhaw oo isku dhigma maaha, maalinba talaabo ayeynu qaadaynaa, Siyaasad Wasaaradda Waxbarashaduna waa sidii Waxbarashada guud ee dalka loo hagaajin lahaa, si aynu dhinaca walba  uga dhisnaano, socdaal aan ku tagay dalka Jarmalkana waxaanu kula kulanay Wasaaraddo, Shirkado iyo Dugsiyo farsamada gacanta ah, iyadoo dalka Jarmalku uu wax badan inala qabtay, isagoo inoo dhisay Dugsiga Farsamada gacanta ee Burco, waxaana hadda uu inaga caawin doono tababar Macalimiin farsamada gacanta ah ay inoo tababari doonaan oo Macalimiin baynu Jarmalka geyn doona, oo ilaa 240 macalin ayaa xirfada tababarka farsamada gacanta baran doona, Madaxweynuhuna mar walba wuxuu hiil iyo hooba la garab taagan yahay Ardayda iyo Dhalinyarada , waxaana taas daliil u ah sida farxad leh ee uu uga qayb galay qalan jabintooda”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here