Man United Oo Ku Raad Joogta Karim Benzema

0
1205

 

Karim Benzema Football WallpaperManchester(Geeska)-Kooxda Manchester United ayaa ku raad joogta ciyaaryahanka u dhashay dalka Faransiiska ee u ciyaara kooxda Real Madrid ee Karim Benzema.

Tababarah kooxda Man United ayaa ciyaaryahanka ku daba jiray tan iyo wakhtigii uu joogey kooxda Lyon, hase ahaatee waxa uu ku guuldaraysatay inuu bixiyo lacagta ay Lyon dalbatay oo wakhtigaas ahayd £40 million. Ciyaayahanka Benzema ayaa la sheegay inaanu hadda boos joogta ah ku lahayn kooxda Real Madrid waxana ka horeeya ciyaaryahanka u dhashay dalka Argentina ee Gonzalo Higuain.

Waxa xusid mudan in Benzema uu kulamdii u danbeeyey ee ay kooxda Real Madrid yeelato si fiican uga qayb qaatay hase ahaatee, taasi kama dhigan in Benzema uu boos joogta ah ka heli doono kooxda Real Madrid.

Waxa xaalka Benzema ee Real sii cakaray kadib markii ay soo baxeen warar sheegay in kooxda Real Madrid ay xagaaga danbe soo iibsan doonto laacibka da’da yar eee u dhashay dalka Spain ee u ciyaara kooxda Athletic Bilbao ee lagu magacaabo Fernando Llorente.

Si kastaba ha ahaatee, kooxda tababare Ferguson ayaa laga yaabaa inuu xagaaga soo socda fasaxo ciyaaryahanka weerarka uga ciyaara ee Berbatov kaas oo xiliciyaareedkan ahaa ciyaaryahankii ugu goolasha badnaa horyaalka, hase ahaatee waxa marar badan jirtay in Berbatov uu soo bandhigay qaab ciyaareed ka cadhisayey Tababaraha ruug cadaadiga ah ee u dhashay wadanka Scotland.

Taas ayaana kalifaysa in Ferguson doonto weerar yahan khibarad iyo waayo aragnimo badan u leh gool dhalinta. Wergeyska ka soo baxa dalka Spain ee lagu magacaabo EL Confidencial ayaa sheegay in Ferguson ku doonayo lacag dhan 35 ciyaaryahanka Karim Benzema.

 

By Moh’ud Aw-Qaafta