KAKA Oo Sheegay In Ferguson U Dalab U Soo Diray Markii Uu U Sugnaa Kooxda Ac Milan.

0
1280

 

KAKASpain (Geeska)- Ciyaaryahanka u ciyaara kooxda Real Madrid oo hadda hawl shaqo u jooga magaalada London ayaa ka dhawaajieyey war xasaasi ah kaas oo uu ku sheegay in tababaraha kooxda Manchester Unted uu dalbaday isaga iyo walaalkiis ka yar wakhtigii uu joogay wandanka Talyaaniga una ciyaarayey kooxda Ac Milan. Kaka ayaa aad loo hadal hayaa inuu xili ciyaareedka danbe ka soo degi doono koox ka mid ah kooxaha ka dhisan magaalada caasimada u ah wanadanka Ingriiska ee London.

 

 

Arintaas oo ay ka dhawaajisay hooyada dhashay ciyaaryahanka oo bogga ay ku leedahay shabakada Twitter-ka ku shaacisay in qoyskeeda oo uu ku jiro Kaka bisha August ee sanadka danbe u guuri doonaan magaalada London, arintaas ayaa warbaahinta caalamku ku macneysay in Real Madrid ay ka iibin doonto ciyaaryahanka  Kaka.

 

Warbaahinta ayaa sidoo kale isku dayey inay farta ku fiiqaan kooxda gaarka ah ee uu ciyaaryahanku u ciyaari doono sanadka danbe, taas oo ay ku sheegeen kooxda Chelsea oo aad u raadinaysa ciyaarayanka, kuna sugan yahay tababare Ancelotti oo ay ciyaaryahanka si gaar ah u saaxiib yihiin.

 

Si kastaa ha ahaatee warkan uu ka dhawajiyey ciyaaryahanku ee sheegay in Ferguson uu dalab rasmi ah u soo diray ciyaaryahanka wakhtigii uu ahaa halyeyga kooxda Milan. Waxaanu yidhi kaka

 

“ Ferguson waa tababare aad u wanaagsan, waxaanu ka mid yahay tababarayaasha dunida ugu waaweyn, waxa kale oo uu ku caan ayahay inuu guul ka soo hooyo ciyaaraha aadka u waaweyn sida kuwa Champions League.” .

 

Dhinaca kale Kaka oo ka hadlaya dalabka uu Ferguson u soo diray ayaa waxa uu yidhi “ mar baa jirtay in uu dalab u soo diray kooxdii aan u ciyaari jiray ee Ac Milan, sidoo kale waxa uu kaa mid la mid ah ku codsaday walaalkey laakiin labadayaduba waxaanu go’aan ku gaadhey in aanu joogno kooxahayagii.”

 

By Moh’ud Aw-Qaafta