Garry Neveille Oo Ka Codsaday Schools Inuu La Sii Joogo Kooxda Man United

0
1147

 

Gary-Neville-006Manchester(Geeska) Kabtankii hore ee kooxda Manchester United Gary Neville oo badhtamihii xili-ciyaareedkan ka fadhiisatay ciyaarta kubada cagta ayaa ka codsaday ciyaaryahanka Pual Scholes in aanu kubada ka fadhiisan xiliciyaareedkan. Waxa si aad ah la iskula dhex marayaa in xiliciyaareedkani noqon doono kii ugu danbeeyey ee uu ciyaaro Scholes.

Ciyaaryahanka ayaa hadda da’diisu tahay 37 jir ayaa qirtay inuu go’aankiisa kama danbeysta ah ku dhawaaqi doono maalin kadib ciyaarta Finalka ah ee kooxdiisu kaga hor iman doonto kooxda Barcelona ciyaartaas oo ku tirsan horyaalka kooxaha qaarada yurub.

Gary Neville ayaa ciyaaraha ka fadhiistay bishii Januaray ka dib markii ay soo waajeheen dhaawacyo isdaba joog ah kuwaas oo u suurtagelin waayey inuu horumar ku sameeyo qaab ciyaareedkiisa. Neville ayaa isagoo dhiiri gelinaya Scholes yidhi

 “ waxaan bilihii u danbeeyey daawanayey qaab ciyaareedka Scholes, waxaanan odhan lahaa ku sii jir ciyaaraha.”

Waxa kale oo uu Gary intaa ku daray “ haddii aan anigu lahaan lahaa awooda uu Scholes ku naaloodo iyo waliba muhiimada balaadhan ee uu lee yahay kooxda Manchester United ayaa waan sii wadi lahaa ciyaarta kubada cagta.”

Dhinaca kale ciyaaryahanka Gary Naville ayaa cadeeyey in Scholes uu yahay nin go’aankiisa ku socda, codsigiisuna aanu wax weyn ka badali doonin go’aankiisa.

Waxa kale oo uu sheegay Neville in Scholes ay wada fadhiisan doonaan tababaraha kooxda Manchester United Sir Alex Ferguson oo ay kawada hadli doonaan mustaqbalkiisa, sidoo kalena qoyska Scholes uu saameyn weyn ku leeyahay go’aanka kama dambeysta ah ee lagua filaayo inuu Scholes ku dhawaaqi doono wax yar ka dib kulanka aadka loo sugayo ee ay ku kala calfan doonaan Man United iyo Barcelona. Ruug cadaadiga u dhashay dalka Ingriiska ee Pual Scholes ayaa kooxdiisa kula guuleystay 10 koob  oo ah kuwa horyaalka dalka Ingriiska.

By:- Moh’ud Aw-Qaafta