Maleeshiyaadka Khatumo Oo Xalay Soo Tuurtuuray Maygaagle

0
540

Burco(Geeska)-Maleeshiyaadka hubaysan ee ku sugan Buhodle oo ka amar qaata kooxda Khaatumo ayaa gabal dhicii shalay hubka culus ku soo tuurtuuray ciidamada qaranka ee jiidda Maygaagle ee degmada Buhodle.

Maleeshiyaadkan oo la sheegay in ujeedadoodu tahay inay burburiyaan nabadda uu qaatay hoggaamiyihii maleeshiyaadka SSC Saleban Ciise Xaglatoosiye oo ku sugan magaalada Buhodle, ayay wararku sheegayaan inaanay wax khasaare ah gaadhsiin ciidamada qaranka. Warku wuxuu sheegay inay kooxahani sidoo kale qorshaynayaan inay weeraro ku qaadaan ciidamada qaranka ee iyaguna ku sugan Sool-joogto.

Hase yeeshee ciidamada qaranka ayaa heegan ugu jira weerarada kooxahan maleeshiyaadka ah oo doonaya burburinta geediga nabadeed ee Saleban Ciise Axmed, oo isniintii soo gaadhay magaalada Buhodle, kagana dhawaaqay inuu aqbalay baaqii nabadeed ee Madaxweynaha Somaliland.