Saacada ugu badan iyo kuwa ugu yar ee Sannadkan dalalka kala duwan ee dunida laga soomayo (4) : Kamaal Ahmed Ali

0
577

Picture614- Masar: Jamhuuriyadda Masar ee carbeed waxa ay ku taalla cidhifka woqooyi ee qaaradda Afrika iyo cidhifka koonfureed ee qaaradda Asia, sidaa awgeed dalka Masar waxa uu ka mid yahay dalalka lagu magacaabo, dalalka qaaradaha ka gudba, taas oo macnaheedu yahay in dhulka Masar labadan qaaradood mid kasta mid kasta in ka galo in kasta oo dhulka Masar intiisa badani dhaco qaaradda Afrika. Dalka waxaa mara marin biyoodka Suweys oo u qaybiya Afrika iyo Asia. Suweys waxa uu muhiim u yahay isu socodka badaha ee dunida oo ah kanaalka. Dalka Masar oo ay Taariikhyahannadu aminsan yihiin in uu xudun u ahaa xaddaaradihii dunida, waxa ay taariikhdiisu ka soo bilaabataa illaa 10 kun oo sano ka hor dhalashadii nebi Ciise (CS).

Magaalada Qaahira ayaa dalka Masar u ah caasimad, tirada Masaaridu waa 82 Milyan iyo 537 kun oo ruux, marka aynu dhinaca diinta eegno, intii ka dambaysay sannadkii 1986-kii nidaamkii keli taliska ahaa ee uu hoggaaminayey Xusni Mubaarak waxa uu mamnuucay in la faafiyo xogta ku saabsan tirada muslimiinta iyo masiixiyiinta dalkaas ku dhaqan. Laakiin tiro koobkii u dambeeyey oo la faafiyey sannadkii 1986-kii waxaa lagu ogaaday in dadka Masar boqolkiiba 94 yihiin muslimiin, halka ay masiixiyiinta dalka Masar oo loo yaqaanno Qibdiyiintu ka yihiin boqolkiiba 6. Ramadaanka sannadkan oo ku beegmay xilli xagaa ah waxaa dalka Masar soonka loo af xidhnaan doonaa 16 saac iyo badh.

15. Germany: Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Jarmalku waxa ay ku taallaa badhtamaha galbeed ee qaaradda Yurub. Dalka Jarmalku waxa uu ka kooban yahay 16 gobol oo isugu yimid nidaamka Federaalka caasimadda dalka iyo magaalada ugu weynina waa Berlin. Waa dal miisaan siyaasadeed ku leh qaaradda Yurub, waana dalka ugu horumarsan dhinaca farsamaynta tiknoolajiyadda waana dalka qaaradda Yurub ugu horreeya dhinaca dhaqaalaha halka uu dunida oo dhanna ka yahay dalka Afaraad.

Tirade dadka dalka Jarmalku waa 81 Milyan 799 kun iyo 600 oo ruux, waxa aanay u badan yihiin dad aaminsan diinta masiixiga, diinta labaad ee ugu badan ee dalkaa laga aaminsan yahayna waa diinta Islaamka oo dadkeeda lagu qiyaaso illaa boqolkiiba 5. Sannadkan waxa ay qorraxdu dalkaas u soo jeedaysaa ku dhowaad 16 saac, waqtiga laga rabo muslimiinta dalkaasi in ay maalintii af xidhnaadaan ayaa noqonaya 16 saac iyo badh.

16. Canada: Dalka Canada waxa uu dhacaa jihada woqooyi ee qaaradda Woqooyiga Ameerika, waana dalka labaad ee dunida oo dhan ugu dhulka ballaadhan, xadka uu dalka Canada la leeyahay Maraykanku waa xadka berriga ah ee ugu dheer ee laba dal wadaagaan marka la eego dalalka dunida xadka wadaaga oo dhan. Dalka Canada oo ay caasimaddiisu tahay magaalada Ottawa waa dal nidaam boqortooyo oo dastuuriya leh, waxaana boqorad u ah boqoradda dalka Ingiriiska Queen Elizabeth II  oo uu dalkeedu hore u gumaysan jiray Canada, laakiin awoodda iyo nidaamka maamul ee dalku waa dimuqraadi ku dhisan hab-baarlamaani federaala ah, waxaana dalka hoggaamiye raysalwasaaraha. Dalka Canada dadkiisu waa 34 Milyan iyo 867 kun oo ruux, dalka waxaa lagu aaminsan yahay diinta masiixiga oo madaahib tiro badan ah, diinta labaad ee dalka Canada waa Islaamka oo dadkiisa lagu qiyaaso boqolkiiba 2. Muslimiinta dalka Canada ku soomaya ramadaantan waxa ay maalintii af xidhnaanayaan 18 saac. ………La Soco