Fool Dheer Ka Dib Masar Oo Yeeshay Raysalwasaarihii Abid Horreeyey Ee Gadh Leh

0
563

haMasar(Geeska)-Fool dheer oo qaadatay saddex toddobaad oo ka dambaysay markii xilka madaxweynenimo loo dhaariyey kadib, ayuu madaweynaha cusub ee dalka Masar magacaabay raysalwasarihii soo dhisi lahaa xukuumad rayid ah oo dalku yeesho tii ugu horreysay taariikhda casriga ah ee Masar.

Madaxweyne Maxamed Mursi waxa uu magacaabay in uu raysalwasaare noqdo Dr. Hishaam Qandiil oo hadda ha wasiirka waraabka iyo khayraadka biyaha ee dalka Masar.

Md. Mursi waxa uu qasriga madaxtooyada ee Axaddii dorraad ku qaabilay Md. Qandiil  oo markii ugu horreysay ee masraxa siyaasadda lagu arkaa ahayd 21-kii July 2011-ka, xukuumaddii Dr. Casaam Sharaf oo talada qabatay waqti yar kadib markii uu Xusni Mubaarak is casilay, xilligaas oo loo magacaabay wasiirka biyaha ayuu Md. Hishaam Qandiil noqday wasiirkii ugu horreeyey abid ee gadhka la baxay ee lagu arko dawladda dalka Masar oo muddo dheer ay hoggaaminayeen askar iyo siyaasiyiin calmaaniyiin ahi.

Md. Qandiil oo da’diisu tahay 40 jir waxa uu hadda noqonayaa raysalwasaarihii dalkaa soo mara ee ugu horreeyey ee gadhka la baxa iyo weliba kii ugu da’da yaraa muddo 60 sano ah.

Hishaam Qandiil kuma uu jirin dadkii la saadaalinayey in xilkan loo dhiibi doono, gaar ahaan marka la eego in uu xubin ka yahay xukuumadda hadda ee raysalwasaare Kamaal Jansuuri oo lagu tiriyo in uu ka ag dhow yahay  nidaamkii hore ee dalka Masar iyo ciidamada oo ay aad u kala fog yihiin madaxweyne Mursi iyo xisbigiisa Akhwaanka.

Qandiil waxa uu waxbarashadiisa sare ku soo qaatay dalka Maraykanka waxa aanu muddo dheer ka soo shaqaynayey bangiga horumarinta Afrika oo markii u dambaysay oo ahayd afartan maalmood ka hor intii aanu wasiirka noqon loo magacaabay in uu madax u noqdo waaxda khubarada biyaha ee bangiga horumarinta Afrika.

Magacaabista Qandiil waxa ay si dadban u muujinaysaa sida uu madaxweyne Mursi maskaxda ugu hayo qadiyadda biyaha Nile iyo guud ahaan qaaradda Afrika oo labadan arrimoodba uu xog’ogaal u yahay raysalwasaare Qandiil. Waxaa iyaduna taas marag ka sii noqotay in madaxweyne Mursi safarkii ugu horreeyey ee dibadda dalka ugu baxo uu ka dhigay inuu xarunta midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa kaga qayb galay shir madaxeedkii AFrikaanka ee bishii hore dhacay.

Waxaa la filayaa in uu madaxeyne Mursi horumarinta dhaqaale ee dadkiisu ka sugayaan uu ka bilaabi doono kobcinta iyo horumarinta beeraha gaar ahaan qamandiga iyo cudbiga uu dalkaasi hodanka ku ahaan jiray oo tobanaankii sano ee u dambeeyey wax-soo-saarkooda hoos u dhacay.

Raysalwasaaraha soo socda ee Masar, Hishaam Qandiil waxaa uu xidhiidh fiican la leeyahay dalalka uu soo maro Nile oo muddooyinkii u dambeeyey ka gaws adaygsanaa saami qaybsiga biyaha Nile ka ee iyaga iyo dalka Masar, waxaana la filayaa in uu muhiimad gaar ah siin doono sidii uu dalalkaa u soo jiidan lahaa una ilaalin lahaa danta lama taabtaanka ah ee dalka Masar ku dhisan yahay dhaqaale ahaan oo ah in aan waxba laga beddelin saami qaybsigaas biyaha.