Muhiimada Billad Geesigu U Leedahay Ciidamada Militariga

0
891

Adeegyada ay dawladu siiso shacabkeeda, waxa ka mid ah difaaca qaranka, xasilooni, caafimaad, waxbarasho, biyo, wadooyin, kaabayaasha dhaqaalaha, garsoorka iyo wixii dantooda ah. Waajibka  difaaca qaranka waxa dawlada ugu xilsaaran Ciidanka Qaranka.

Sida uu tilmaamayo faqradada 1aad ee Qodobka 123aad ee dastuurka Somaliland iyo faqrada 2aad ee qodobkan oo tilmaamaysa in Ciidanka Qaranku u hogaasamayaan

dastuurka:Ciidanka Qaranku wuxuu u xil-saaran yahay ilaalinta iyo difaaca madaxa­bannaanida dalka; waxa intaa u dheer marka loo baahdo hawlaha xilliga xukunka degdegga ah ee waafaqsan Dastuurka.

Ciidanka Qaranku waxa uu had iyo jeer u hoggaansamayaa oo tixgelinayaa Dastuurka iyo xeerarka dalka.

Waajibka shaqo ee ciidanka militarigu wuu ka xaasaasisan yahay shaqooyinka ay qabtaan waaxyaha kale ee dawladu, sababaha shaqada ciidanka militarigu xaasaasiga u tahay waxa ka mid ah:

Waa shaqo ah difaaca dalka, si looga ilaaliyo qaranka cadawga, waxa dhici kara dagaal, xaaladaha dagaalka oo ah iska horimaad hubaysan oo natiijadiisu tahay burbur, dhimasho, dhaawac, cabsi oo u baahan geesimo iyo naf-hurnimo.

Guud ahaan ciidamada ka qayb gala dagaaladu waxay u badheedhaan khatarahaas, waxa se jira qaar ka mid ah askarta ama saraakiisha oo muujiya geesinimo dheeraad ah oo mahadho ka muujiya goobaha dagaalka.

Si loo xuso askarta ama saraakiisha muujisa kartida iyo geesinimada dheeraadka ah, quruumaha dunidu waxay ku maamuusaan abaal-marino kala duwan, sida: dalacaad, billado, shahaado sharaf, hanti kala duwan iyo amaan afka ah oo loo jeediyo.

Jamhuuriyada Somaliland waxay soo martay marxalado qalafsan, xilli la aasaasayey waaxaha dawlada Somaliland, dhaqaale la’aan, maamulka oo aan isku mar wada gaadhin dalka iyo taageero la’aan beesha caalamka ah.

Ciidanka Qaranka jamhuuriyada Somaliland oo 25 jirsaday lana aasaasay 02/02/1994, wuxuu soo maray marxaladaas adag oo uu la qabay qaranka jamhuuriyadda Somaliland, isagoo noqday waaxdii u horaysay dawladnimada Somaliland ee hana-qaaday.

Jamhuuriyada Somaliland oo ah dalka ugu xasiloon wadamada Bariga Afrika, waxa ugu weyn ee caalamku ku majeertaana tahay nabad, inagoo u dhaxayna labada mandaqadood ee Geeska Afrika iyo Bariga dhexe oo amaankoodu halis ku yahay guud ahaan caalamka, 30kii sano ee u danbeeyey labadan mandaqadood waxay saldhigyo u noqotay xag-jir, budh-cad badeed iyo nabad-diid.

Ciidanka Qaranku waa sababta u weyn ee xasiloonida iyo ka badbaadinta Somaaliland, qalalaasaha Geeska Afrika iyo Bariga dhexe; cadawga Somaliland in badan ayey isku dayeen inay mijaxaabiyaan ama khalkhal geliyaan Jamhuuriyada Somaliland, damacooda waxa u quus-gooyey Ciidanka Qaranka Somaliland.

25kaas sano ee Ciidanka Qaranku jiray, waxay gaadheen horumar dhan walba ah, waxa kordhay tirada ciidanka, gaadiidka, hubka iyo saanada Ciidanka Qaranka, waxay dhisteen xerooyin, xafiisyo, cisbitaalo, guryo iyo miisas saraakiil, isla markaana waxa la kobciyey aqoonta ciidanka, sanad walba dugsiyada Ciidanka Qaranka waxa ka soo baxa askar badan, sidoo kale jaamacadaha dibeda waxa Ciidanka Qaranka uga soo qalin-jabiyey saraakiil badan oo soo bartay aqoon iyo xirfado kala duwan.

Ciidanka Qaranka oo muddo dheer loo diyaarinayey darajooyin, waxay suura-gashay sanadkii 2013kii, muddadaas dheer (1994-2013) ee Ciidanka Qaranku bilaa darajada ahaa, waxay isku maamulayeen Masuuliyad.

Sanadkan 2020, xuskii 29 sano guurada maalinta qaranka 18/5/2020, dawlada Somaliland waxa u qabsoomay markii u horaysay in madaxweynaha Somaliland billado gudoosiiyey 12 sarkaal.

Guud ahaan, Ciidanka Qaranku geesinimo iyo naf-hurnimo ma kala dhacaan, qiimayn aad u qoto-dheer oo muddo na aad looga baaraandagayey sifooyinka ay ku kala mudan karaan billadaha, waxa ku guulaystay taliyeyaasha hogaamiya Ciidanka Qaranka ee Aaga Beri.

Weerarada gardarada ah ee ugu badan ee Somaliland lagu soo qaadaa, waxay ka dhacaan labada gobol ee Bariga Somaliland ee Sool iyo Sanaag; Puntland oo ku andacoota sheegashada labadaas gobol iyo Soomaaliya oo sheegata midnimado ay Somaliland ku jirto, sidoo kale labadaas gobol oo xad la leh Soomaaliya oo Saldhig u ah xagjir, nabad-diid iyo budh-cad badeed waxay isku dayaan inay qalalaase ka ridaan labadaas gobol iyo gobolada kale ee dalka ba.

Ciidanka Qaranka Aaga Bari ee ka hawlgala labadaas gobol, waxay muujiyeen dhabar-adayg ay kaga hor tagaan khataraha badan iyo debinada cadawgu soo maleego.

Ciidanka Aaga Bari waxay dagaalo badan la galeen kooxahaas abaabulan, waxayna gaadhsiiyeen jab, kana qabsadeen deegaano ay hore u joogeen, iyagoo deegaanadaas ku soo celiyey xasilooni iyo kala-danbayn.

Guulahaas ay gaadheen Ciidanka Qaranka ee Aaga Bari waxa horseed u ahaa dhiiranaanta, tabta dagaal, lexo-jeclaynta askartooda, fulinta awaamiirta taliska guud iyo hanaanka maamul ee taliyeyaasha Cidanka Qaranka ee Aaga Bari.

Waxa iyaduna xusid weyn mudan, Ciidanka Qaranka oo u hogaasan dastuurka jamhuuriyada Somaliland, isla markaana ixtiraamaya xuquuqda bini-aadamka, weligood kumay kicin wax tacadi ah, sida boob, dhac, kufsi iyo xadhig sharci daro ah, balse waxay taakuleenyaan shacabka xilliyada masiibooyinka dabiiciga ah, sida abaaraha, duufaanta, daadadka iwm, sidoo kale waxay ka qayb-galaan nabad ilaalinta beelaha isku dhaca iyo heshiisiintooda ba.

Hawlahaas baaxada leh ee ay horseedka u yihiin taliyeyaasha Ciidanka Qaranka ee Aaga Bari iyo guulaha is daba jooga ah ee ay gaadheen ciidanka ay xukumaan, ayaa sabab u ah in lagu maamuuso billad geesi.

12ka sarkaal ee billada madaxweynaha Somaliland ku maamuuseen waxay kala yihiin;

S/guuto: Cali Barre Xuseen: Taliyaha Ciidanka Qaranka Aaga Bari

G/le sare: Ismaaciil Faarax Cawaale (Doolaal): Taliyaha Qaybta 31aad ee CQka

G/le sare: Axmed Hurre Haariye: Madaxa Hogaanka Hawl-gelinta Taliska Guud, Taliyihii hore Qaybta 12aad ee CQka

G/le sare: C/laahi Suufi Axmed Cali: Abaanduulaha Aaga Bari ee CQka

G/le sare: Mahad Cambaashe Cilmi: Taliyaha Qaybta 7aad ee CQka

G/le sare: C/laahi Ibraahim xasan: Taliyaha Guutooyinka Madaxa-banaan Taliska Guud

G/le sare: Faysal Cabdi Bootaan: Taliyaha Qaybta 12aad ee CQka

G/le sare: Yuusuf Iimaan Diiriye; Taliyaha Saldhiga 1aad ee CQka

G/le dhexe: Kayd Cusmaan Muxumed: Abaanduulaha Qaybta 12aad ee CQka

G/le dhexe: Ibraahim Cali Sabir: Hogaan ku xigeenka Hubka iyo Rasaasta CQka

G/le dhexe: Maxamed C/laahi Cartan: Hogaan ku xigeenka Gaadiidka Gaashaaman

G/le dhexe: C/laahi Maxamed Axmed (Dhaga-weyne): Taliyaha Guutada Widhwidh

Muhiimado waa weyn ayey biladaha iyo abaal marinaha kala duwan u leeyihiin ciidamada militariga aduunka oo kuwa Somaliland ku jiraan, waxaana kamid ah muhiimadahaas:

Mahad-naqid/Appreciation: in looga mahad celiyo abaalka ay ku leeyihiin qaranka dareemaana in shacbkooda oo ay wakiilka tahay dawladu u og yihiin kaalintooda wax ku oolka ah, waxay kor u qaadaysaa mooraalka iyo ku qanacsanaanta hawlaha ciidanka, waxayna si fudud uga gudbayaan xanibyada soo waajaha.

Dhiiri-gelin/Motivation: inay guubaabo u noqoto xubnaha biladaha ku mutaystay kartida, kana sii kordhiyaan dadaalka hawlaha muhiimka ah ee ay qaranka u hayaan, sidoo kale na dhiiri-gelin ayey u tahay guud ahaan xubnaha kale Ciidanka Qaranka ee aan nasiibka u helin biladaha, si ay u higsadaan xubnaha biladaha mutaystay, iyaguna markooda ugu dadaalaan inay la yimaadaan sababo ay ku mutaysan karaan billado iyo abaal-marino kale.

Ixtiraam/Respect: inay noqdaan xubno maamuus ku leh Ciidanka Qaranka iyo guud ahaan bulshada Somaliland, waxay kordhinaysaa in ciidanku jeclaadaan shaqadooda iyo inay ku soo biiraan muwaadiniinta kale ee buuxiya shuruuradaha ka mid noqoshada Ciidanka Qaranka

Ciidanka Qaranka oo naf-qaybsi leh, lagu na tababaro wada-shaqayn (Teamwork) iyo inay wanaaga isu haneeyaan, way u hambalyeeyeen 12ka sarkaal ee billadaha madaxweynuhu gudoonsiiyey, waxaanay tahay guul u soo hoyatay guud ahaan Ciidanka Qaranka.

Billadahan madaxweynuhu ku maamuusay 12ka sarkaal waa kuwii u horeeyey, balse maaha kuwii u danbeeyey, waxa jiri doona billado kala heer ah oo la gudoonsiin doono xubnaha Ciidanka Qaranka ee mutaysta, dable, sarkaa xigeen ama sarkaal kuu yahay ba.

Bixinta billadaha waxa ku mahadsan Madaxweynaha Jamhuuriyad Somalilnad, Hambalyo 12ka sarkaal ee uu billadaha ku sharfay.

Allah mahad leh

Taliyaha ciidanka qaranka jamhuuriyada Somaliland

S/gaas: Nuux Ismaaciil Taani