Masuuliyiin Somaliland Ka Socda Oo Kulan Lagu Samaynayo Xeerka Badaha Somaliya Kala Qayb Galaya Dowladda Muqdisho Iyo Maamulo Kale

0
437

Picture6Addis Ababa (Geeska)- War ay hayadda ammaanka badaha adduunku ku faafisay degelkeeda Internet ka ayaa waxay ku sheegtay in magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya uu ka furmay kulan-hawleed farsamo oo afar maalmood soconaya, kaas oo lagu tababarayo masuuliyiinta badaha ee Soomaaliya oo ay sheegeen in ay ka kala yimaaddeen dowladda federaalka ah iyo gobollada Soomaaliya oo ay ku dareen Somaliland.

Haayaddan oo magaceeda loo soo gaabiyo IMO ayaa warkan ku sheegtay in tababarkan kooban uu qayb ka yahay barnaamij awood-dhisid loogu samaynayo Soomaaliya si looga caawiyo in ay yeelato maamulka (Haayadda) qaranka ee badaha. Tababarkan oo Isniintii toddobaadkan ee 11ka November ka bilowday magaalada Addis Ababa waxa uu socon doonaa illaa maalinta berri ee ay bisha November 13 tahay.

Haayadda IMO waxa ay warkeedan kuu sheegtay in kulan-hawleedkan afarta maalmood ah ay ka qayb galeen saraakiil farsamo oo darajadood sarrayso, kuwaas oo ay ka mid yihiin kuwo dhinaca sharciga ah, maamulka dekedaha iyo maareeyeyaal iyo ilaalada xeebaha, kana kala yimi dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Somaliland, Puntland iyo Galmudug. Kulan-hawleedkani muddada uu socdo waxaa dib loo eegi doonaa, lana casriyeyn doonaa xeerkii badaha Soomaaliya ee soo baxay 1959kii, waxaana ka qayb geli doona masuuliyiin ka socda hayadda nabadgelyada badaha oo uu ka mid yahay madaxa Waaxda haayaddan  qaabilsan Afrika, Mr. William Azuh.

Hayadda IMO waxa ay sheegtay in barnaamijkeeda Soomaaliya  uu caawiyo maamullada, si ay  samaystaan awood cago adag ku taagan oo dhinaca ammaanka iyo shurucda badaha ah, taas oo maamulladan u suurtogelinaysa in ay si wax-ku-ool ah ula dagaalami karaan budhcad-badeedka. Waxa aanay hayaddu hadda si gaar ah ugu hawlan tahay talooyin istaraatijiyadeed iyo kuwo hawleed, tababarro ay siiso hawl-wadeennada badaha iyo in ay gacan ka geysato in la sameeyo qabyo-qoraalka xeerkan. Sidoo kale waxa ay tababarro aasaasiya oo la xidhiidha ilaalada xeebaha siinaysaa askar ay sheegtay in laga soo qorayo gobollada Soomaaliya iyo dowladda federaalka ah. “IMO waxa ay qaban-qaabinaysaa kulan-hawleedyo kale oo ka dhaca gudaha iyo dibadda Soomaaliya” Ayaa ay hayaddu ku tidhi degelkeeda Internet ka. Iyada oo intaas ku dartay in sannadkan gudihiisa ay xafiisyo ka fran doonto magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa iyo in ay si gaar ah gacan uga geysan doonto awood-dhiska garsoorka Soomaalida, dacwad-oogayaash iyo dembi baadhayaasha ka masuulka noqon doona dacwadaha la xidhiidha budhcad badeedka iyo hoggaamiyeyaashooda.

Hay’adu may sheegin magacyada Somaliland uga qayb galaya shirkan.  Dowladda Somaliland-na kama uu soo bixin wax war ah oo la xidhiidha tababarkan ka socda magaalada Addis Ababa, waxaana laga dhursugayaa warqad-hawleedda iyo qorshaha ka soo baxa kulan-hawleedka dhammaadkiisa, waxaana la filayaa in laga soo saaro xeerka ilaalada ammaanka xeebaha oo uu leeyahay dalkii hore isugu ahaan jiray Soomaaliya, kaas oo saamayntiisa ku yeelan kara qarannimada Somaliland, maadaama oo biyaha Soomaaliya ee xeerkan lagu dhaqayo ay kuu jiraan badaha Somaliland.