Saadaasha Cilmi Falagga Ee Dunida Iyo Sannadka 2017 Faaliyuhu waa beenaale xitaa marka uu run sheego (10)

0
632

1Madaxweyne Putin ka dalka Ruushka ayaa uu xiddigiisu kor u sii kici doonaa, gaar ahaan dalka Suuriya oo uu ku sii awoodaysan doono, taas oo warwar ku beeri doonta dadka Maraykanka ee tobannaankii sano ee u dambeeyey la soo qabsaday in dalkoodu uu noqdo quwadda keliya ee dunida ka jirta. Waxa ay dadku dooni doonaan in uu taladooda qabto madaxweyne hal adag oo hoggaamin fiican leh si uu Maraykanku dib ugu soo ceshado kaalintaas uu banneeyey, iyaga oo si gaar ah u doonaya xisbiga Jamhuuriga ee madaxweynaha la doortay qudhiisuna ka soo jeedo.

Waxaa mar kale kor u soo kici doona xiddiga kooxdii Bush hoggaamin jiray ee muxaafidiinta cusub la odhan jiray oo ah garab ka mid ah xisbiga Jamhuuriga oo iyagu mucangag dhinaca midigta xiga ah.

Doolarka ayaa marka uu madaxweynaha cusubi xilka la wareego qiimihiisu koru kici doonaa, laakiin sicirka lacagt reer Yurub ayaa hoos u dhacaysa, sababta ugu badanina waa culayska dhaqaale ee Yurub ka haysan doona la tacaalidda soo-galeetiga iyo ilaalinta xuduudahooda ay doonayaan in aanay dadka tahriibka ahi ka soo tallaabin, sidoo kale waxaa dalalka reer Yurub culays dhaqaale ku keeni doona sugidda amnigooda oo culays badan keenaysa, maadaama oo ay ku qasbanaan doonaan in ay si joogto ah heegan ugu jiraan ilaalinta amnigooda, kooxaha argagaxisada lagu tilmaamo oo ku soo badan doona awgeed.

Milateriga iyo Tamarta

Maraykanka:

Hubka: Maraykanka ayaa laga yaabaa in uu dagaalo ka galo meelo kala duwan oo dunida ka mid ah, iyada oo ujeedada ugu weyn ee u qarsooni ay tahay in uu tijaabiyo hubkiisa casriga ah iyo in uu muujiyo cududdiisa si uu farriin ugu diro Ruushka oo isaguna sida muuqata muruqiisa ku muujiyey Suuriya iyo meelo kale oo ay Georgia ka mid tahay.

Waxaa marar badan dalka Maraykanka ka dhici doona weerarro rasaas ah oo si aan loo aabo yeelin meelo kala duwan dad lagu dili doono. Arrintas oo xanuunjin doonta Maraykanka, kuna qasbi doonta in uu sharci cusub ka soo saaro haysashada hubka aan rukhsadda loo haysan.

Weerarradaas mid ka mid ahi waxa uu ka dhici doona xayn-daabka Guriga Cad ee Maraykanka looga taliyo ee magaalada Washington.

Tamarta: Sannadkan waxaa la filan karaa in dawladda Maraykanku ay xoogga saarto soo saarista qaybo ka mid ah shidaalkeeda iyada oo uga jeedda in ay dalalka shidaalka soo saara cadaadis ku saarto in aanay kordhin qiimaha shidaalka, isla markaana ay tusto in qiimaha iibka shidaalkooda uu Maraykanku wax yeellayn karo, sidaa awgeed uu ururka OPEC ee ay ku midoobeen dalalka shidaalka soo saaraa ogolaado in uu tixgelin siiyo doonista Maraykanka.

Yurub: Dalal badan oo reer Yurub ah ayaa si aan hore looga baran sannadkan iibsan doona hub badan.  Hub cusub oo aad u casri ah ayaa ay ka iibsan doonaan Maraykanka, sayladaha iyo ganacsiga hubkuna dunida oo dhan waxa uu gaadhi doonaa heer aad u sarreeya oo aan abid hore u dhicin.

Dunida saddexaad: Dalka Maraykanku waxa uu diidi doonaa codsiyo badan oo ay dalal ka mid ah kuwa loo yaqaanno dunida soo koraysaa kaga codsan doonaan in uu u sameeyo warshaqdo Nukliyeerka korontada dhaliya ah.

Saadaasha wakaaladda  Bloomberg

Warbaahinta caanka ah ee Bloomberg oo laga leeyahay dalka Maraykanka ayaa iyadun saadaal cusub oo ay ugu magac dartay, “Xujada ruuxa rajada xun qaba” waxa ay ku sheegtay in sannadkan ay dunidaka dhici doonaan isbedello siyaasiya oo taabanaya juqraafiga dunida, kuwaas oo ay ka mid tahay in dalka Faransiisku uu iskaga baxo midowga Yurub, iyo in gobalka California ee Maraykanku uu dalka intiisa kale ka goosto.

Wakaaladdan oo sannadkii hore ee 2016 ka saadaalisay in doorashada Maraykanka uu ku guulaysa doono nin leh tilmaamaha hadda ee Trump iyo in Ingiriisku uu ka bixi doono Midowga Yurub, ayaa sannadkan 2017 kana ku doodaysa in isbedelloo iyo dhacdooyin kala duwani ka dhici doonaan dalalka Maraykanka doorashadii Trump kadib, boqortooyada Sucuudiga iyo dagaalka Yemen iyo meelo kale, saadaashaas oo uu Geeska Afrika soo akhriyey waxa ay leedahay:

Maraykanka: Trumpland

Xeeldheerayaasha diyaariyey warbixinta Bloomberg oo aad mooddo in ay rumaynayaan qisada filimka laga dhigay ee Trumpland oo uu hal-abuurka Maraykan ee Micheal Moore kaga hadlayo mustaqbalka Maraykanka waxa ay iyaguna sheegeen in ay dalka Maraykanka ay mar kale dib uga soo cusboonaan doonaan dibad baxyadii lagu diidanaa doorashada Donald Trump, iyagaoo weliba markan sidii hore ka xoog badan, kuwaas oo bu’dooda iyo halka ay ugu xoog badnaan doonaan ay tahay gobalka California oo ay dadkiisu samayn doonaan dibad baxyo waaweyn oo ay ugu magac dareen Calexit oo ah ereyo ay ka sameeyeen isu tagga labada xaraf ee u horreeya magaca gobalka ee California iyo ereyga ‘exit’ ee afka Ingiriisiga oo macnaheedu yahay bixitaan, kelmaddaas Calexit (Bixitaanka California) waxa ay ka soo dheegteen kelmadii Brexit ee hal-hayska u ahayd bixitaankii Ingiriiska ee Midowga Yurub.

Dibad baxyada gobalka California ayaa la saadaalinayaa in ay aakhirka keeni doonaan in gobalkaasi ka  baxo midowga dalka Maraykanka. La soco……….