Jimicsiga Iyo Ciyaarta Carruurnimo Waxa Ay U Fiican Yihiin Caafimaadka Maskaxda Iyo Hab-Dhiska Dheefshiidka

0
673

Washington (Geeska)- Cilmibaadhis cusub oolagu sameeyey dalka Maraykanka ayaa daahfurtay in ciyaarta iyo jimicsiga carruurnimadu uu maskaxda caafimaadkeeda guud iyo hab-sami u shaqaynteedaba wanaajiyo, sidoo kalana uu ka qayb qaato wanaajinta hab-dhiska dheefshiidka ee qofka.

Cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda Colorado ee dalka Maraykanka ayaa caddeeyey in jimicsiga iyo ciyaartu ay xiidmaha ku beerto bakteeriyada faa’idada leh, taas oo iyaduna keenta in uu wanaagsanaado caafimaadka maskaxda iyo hab-sami u shaqaynta dheefshiidku. Daraasaddan oo Geeska Afrika uu ka soo xigtay Aljazeera ayaa ay cilmibaadhayaashu ay ku sheegeen in Bakteeriyada waxtarka leh ee xiidmaha ku abuurani ay dhalato bil uun kadib marka uu qofku dhasho illaa inta uu nool yahay oo dhanna weheliso, iyada oo sida ay khubaradu ku qiyaasaan gaadhaysa illaa kun nooc ama isir oo kala duwan, tiradeeduna toban lab ka badan tahay tirada unugyada jidhka aadamaha ku jira, miisaanka bakteeriyadaasina uu gaadho illaa 2 Kiloogaraam. Waxa aanay soo saartaa maaddo caawisa dawoooyinka bakteeriyada dila ee Antibiotics ka ujeedadeeduna waa in lala dagaalamo bakteeriyada iyadu dhibaatada ku leh caafimaadka.

Cilmibaadhayaashu waxa ay sheegeen in jimicsiga iyo ciyaarta oo da’ yar lagu bilaabaa ay laba-laab kordhiso bakteeriyadaas waxtarka leh ee xiidmaha ku beeran, taasina ay keento in uu wanaagsanaado caafimaadka maskaxda iyo habdhiska difaaca ee qofku. Ugu dambayntii haayadda caafimaadka adduunka ee WHO waxa ay ku talinaysaa in carruurta ay da’doodu u dhexayso 5 illaa 17 ay sameeyaan jimicsi iyo ciyaar jidhka ka xarakaadsiinaysa ugu yaraan hal saac maalin kasta, iyada oo weliba sida saxda ahi ay tahay in ay ku ciyaaraan hawo furan oo aan guri dhexdii ahayn. WHO waxa ay sheegtay in xarakaadkan iyo jimicsigani uu da’ yarta ka caawiyo in lafahooda iyo muruqyadoodu koraan, xaglahooda, iyo muruqyadooda, sanbabada, iyo wadnuhuba si caafimaad qabta u koraan, isla markaana miisaankoodu uu noqdo mid ku habboon caafimaadka.