Kaalin Shidaal oo ku shuf beeshay Borama

0
525

Borama(Geeska)-Waxa shalay gelinkii dambe dadweynaha Borama ka nixiyay dab xoog badan oo ka kacay kaalin shidaal oo ku taala badhtamaha magaalada Borama taas oo uu qabsaday dab aan sababta kicisay la sheegin.

Dabkan ayaa gaystay khasaare balaadhan, waxaana ku shuf beelay kaalintii oo uu soo gaadhay khasaare balaadhani. Bakhtiinta kaalintan ayaa waxa u gurmaday dadweynaha reer Borama iyo ciidamada Booliska, kuwaas oo markii dambe bakhtiiyay kaalintaas, waxaanay hawshii bakhtiinta dhaawacyo ka soo gaadheen sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska ee gobalka Awdal. Dabka iyo qiiqa ka baxayay kaalintaas shidaal ayaa si weyn looga arkayay qaybaha kala duwan ee Borama.

magaalada Borama ayaan lahayn wax damdamis ah oo gurmad ka gala masiibooyinkan oo kale haddii ay dhacaan, waxaana taas sababteeda leh dawladda Hoose ee Borama oo aan habayaraate xil iska saarin ilaalinta hantida muwaadiniinta, waxaana damdamis la’aanta magaalada haysata ka cadhooday dadweynaha Borama oo iyagu ah cidda keliya ee bakhtiisay dabkaas.