Dr. Gaboose Oo Madaxweyne Siilaanyo Iyo Beeshiisa Ku Ganay Gantaal Siyaasadeed Oo Garnaqsi Ah Iyo Nuxurka Ay Xambaarsantahay

0
583

 

gaboBurco(Geeska)-Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Umadda Dr. Maxamed Cabdi Gabose, ayaa mar kale Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo iyo beesha uu ka dhashayba u diray farriin siyaasadeed oo uu waayo hore ku xasuusinayo.

 

Dr. Gabose, oo shalay hadal ka jeediyay madal uu ku soo bandhigay 14 murashax oo uga qayb geli doonta doorashada deegaanka ee Burco, ayaa wuxuu sheegay in wakhtiyadii uu ahaa guddoomiyaha ololaha doorashada ee gobalada bari ee dalka, uu Madaxweynaha iyo beeshiisa ugu suntanaa halyey, maantase ay xaaladu is bedeshay,.

Ugu horayn isagoo Dr. Gabose, isagoo ka hadlaya waxyaabaha ay bulshadu Madaxweynaha xaq ugu leedahay iyo waxa uu isagu ugu leeyahay, wuxuu yidhi “Waxaan rabaa in aan idin xasuusiyo Siilaanyo madaxweynaheena ogaada waxa la doortay shan sano  ,shantaa sano umada ayaa dooratay xaq ayay ku doorteen codkooda ayay ku doorteen inta uu maamulka hayo waa madaxweynaheenii xaq waxa uu inoogu leeyahay wixii wanaagsan in aynu ku garabgalno xaq waxa uu inoogu leeyahay marka uu wax wacan wado inamadeena ayuu ka mid yahaye in aynu gacansiino si uu taariikh fiican u samaysto ,laakiin xaq waxaynu ugu leenahay hadduu taariikh madaw isagu ku socdo  in aynu ka celino in aynu u nasteexayno oo aynu ka waanino oo aynu in  tusno in aynu daacad u nahay .”

Isagoo Gabose, ka hadlaya farriinta uu u diray Madaxweynaha iyo Beeshiisa, wuxuu yidhi “Madaxweynaha waxaan xasuusin lahaa maalintii ololaha doorashadiisa aan marayay Burco, Berbera, meel walba, waxa jiray kuwo necbaa inuu kursiga fuulo, oo dhagax iyo dagaal ilaa ceerigaabo xabadda la ii qaaday, maalintaas waxaan ahaa nin ay adiga iyo reerka aad ka soo jeedaaba jecelyihiin, nin sharaf leh ayaan ahaa, nin wanaagsan ayaan ahaa, inankiinii ayaan ahaa, maanta maxaa is bedelay, ma damac ayaa I galay ayaa dambi noqotay.”

Waxa kale oo iyaguna halkaas ka hadlay guddoomiye xigeenka ururka Umadda iyo xildhibaano ka tirsan ururkaas.