Madaxweynihii Hore Ee Maraykanka George Bush Oo Maandooriye Lagu Qabtay Ayaa Xabsiga La Dhigay

0
645

Picture9Dallas (Geeska)- Mid ka mid ah madaxweynayaashii warbaahinta dunidu ugu hadal-haynta badnayd ee soo maray dalka Maraykanka George Bush ayaa mar kale hadal hayntiisu ku soo rogaal celisay warbaahinta, laakiin markan siyaasadihiisii muranka dhalin jiray warku lama xidhiidho, balse waxa uu sheegaya war dhiille lah oo ah in George Bush goor habeennimo ah lagu qabtay isaga oo maan-dooriye sita.

Warkan oo uu wargeyska Geeska Afrika ka soo xigtay degelka internet ka ee www.empirenews.net oo laga leeyahay dalka Maraykanka ayaa sheegaya in goor dambe oo ah habeennimadii Salaasada ee aynu soo dhaafnay uu booliisku uu cidhifka magaalada Dallas ee gobolka Texas ku joojiyey gaadhi aanu marka hore garanayn balse markii dambe uu kaga soo degey madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka George Bush. Booliiska oo ku jiray roondo caado u ah oo uu ku qiyaaso heerka maandooriye ee darawaliinta dhiiggooda ku jira ayaa markiiba qalabkoodu soo saaray in Bush uu dhiiggiisa ku jiro xaddi maandooriyaha Cocaine ah, arrintaas oo booliiska ku dhiirri gelisay in ay baadhitaan dheeraad ah ku sameeyaan gaadhiga ayaa ku hoggaamisay in ay helaan qiyaas ah hal wiqiyad (28 Garaam) oo maandooriyaha Cocaine ah oo uu ku dhex qariyey galoofiska gacmaha la gashado.

Booliiska ayaa sheegay ay u qaadan waa ku noqotay markii ay arkeen madaxweynaha hore oo miyir-doorsan, Charles Cane oo ah sarkaal ka tirsan booliiska ayaa sheegay in marka hore ee doonayeen in ay ganaax yar u jaraan, laakiin markii ay gaadhiga ka heleen qaybtan kale ee maandooriyaha Cocaine ah uu xaalku is beddelay, waxa aanu sheegay bilowgii uu Bush isku dayey in uu booliiska laaluusho, laakiin markii uu arkay in ay heleen maandooriyahan in uu bilaabay buuq iyo in uu booliiska ugu hanjabo in uu madaxweyne hore ahaan jiray, sidaa awgeed aanu sharciga xaaraantimaynaya maandooriyuhu qabanayn. “Ma waxa aa doonaysaa uun in warbaahintu magacaaga iyo kayga isku soo dhinac qorto” ayaa uu Bush ku yidhi sarkaalkan isaga oo u jeeda in uu qabashadiisa sumcad ku raadinayo. Sarkaalkan booliiska ahi waxa uu sheegay in Bush ay xabsiga u taxaabeen, laakiin lix saac markii uu xidhnaa kadib damaanad lagu sii daayey.

Warkan waxaa si adag u beeniyey, dadka taageera siyaasadihii iyo hoggaamintii Bush oo ku andacooday in uu yahay war looga jeedo sumcad dil oo been abuur ah, laakiin George Bush ayaan isagu weli si rasmi ah u beenin ama u rumayn in ay sidan wax u dhaceen. Bush tan iyo markii uu magaciisu ku soo biiray saaxadda siyaasadda Maraykanka waxaa socday doodo xoog badan oo sheegaya in uu si aad ah u isticmaali jiray maandooriyaha, gaar ahaan xilligii uu yaraa.