“Wasaaradda Ciyaaraha Waxa Looga Fadhiya Inay Nagu Dayato, Oo Garoomo Casriya Dalka Ka Hirgeliso ”

0
909

Picture1Cabdikariim Yuusuf oo ka mid ah Masuuliyiinta mid ka Saddexdan Garoon ee Casriga ah ee Rooga la dhigay ee hadda ku yaala Magaalo Madaxda Somaliland ee Hargeysa, ayaa ka wari bixiyey sababta ku keliftay inay hirgeliyaan Garoonkan, kharashkii kaga baxay iyo hadda sida loogu ciyaaro Garoonka.

Cabdikariim Yuusuf oo u waramaya Wargeyska Ciyaaraha ee Geeska Afrika ayaa sheegay in Wasaaradda Ciyaaraha looga fadhiyo in Garoonka Hargeysa iyo Garoomada kale ee dalka oo dhan ay dhigto Roog, kana dhigto Garoomo casriya, isla markaana si Ciyaaruhu horumar u gaadhaan, waxaanu hadalkiisi ku bilaabay “Garoonkani waxa uu ka mid yahay Saddexda Garoon ee Casriga ah ee Rooga la dhigay ee Caasimadda Somaliland ee Hargeysa ku yaala, mid ka mid ah Saddexdaas Garoona waxa leh Xasan Waraabe Cadde.

Markii ugu horeeysay Mulkiilaha Garoonkan leh oo ah Nin Turkiya,ayaa fikirkan ila yimid oo igu yidhi sidaad u arki lahayd haddii Garoon Casriya oo Roog leh aynu ka hirgelino Hargeysa, aniguna aad ayaan u soo dhaweeyey fikradaas, waana ku taageeray, waxaana u sheegay in Ciyaaryahada dalku ay u baahan yihiin Garoon ay ku ciyaaran, Ninkii Turkiga ayuu tagay, muddo Shan Bilood ah ayuu ku maqnaa Turkiga,dib ayuu u soo laabtay, isaga oo hawshii u dhan tahay, Qalabkiina wada, Jaamacada Gollis Dabadeeda, ayaanu ka helnay goob u qalanta Garoon lagu ciyaari karo Kubada Cagta, goobtaas oo ahayd Xero Dibada”.

Cabdikariim Yuusuf isaga oo hadalkiisa sii wada ayaa yidhi “Kadibna waxa aanu bilawnay dhismihii, waxa aanu markii ugu horeesay ayaanu Garoonka ayaanu sare u soo kicinay, si marka uu Roobku da’o aanay biyuhu u fadhiisan, Garoonkii ayaanu dadnay, si aanay Kubadu Garoonka dhexdiisa uga bixin, Roog ayaanu dhignay, si aanay Ciyaaryahanada ama Kooxaha ku ciyaaraya aanay waxyeelo u soo gaadhin, si deg deg ahna waanu u dhameeynay, Maalin kastana waa lagu ciyaara, oo labada kooxood ee wada ciyaaraya muddo ayaanu u qabanay, lacag aad u koobana waanu ka qaadna, inkasta oo wakhtiga la ciyaarayo ay iska koobnayd Bishii Ramadaan madaama ay ahayd bisha ugu kheyrka badan bilaha oo dhan, ayaa imika waxa Garoonka ku ciyaara kooxo badan”.

Cabdikariin  Yuusuf isaga oo hadalkiisa sii wada waxa uu yidhi “Anaga oo shakhsiyaad ah, ayaa  hirgelinay Garoon casriya, markaas waxa jira in imika Garoonkii ugu weynaa ee  Somaliland ee walibana ku yaalay Caasimadda Hargeysa uu yahay ilaa hadda bilaa Garoon, Wasaaradda Ciyaaruhuna ilaa hadda wax Roog ah oo ay dhigtay ma jirto, markaas Wasaaradda Ciyaaraha waxa looga fadhiya inay Garoonka Hargeysa iyo Garoomada kale ee dalka dhigto Roogag, Dhalinyaradana u dhisto Garoomo Casriya, waxaana Wasaaradda Ciyaaraha kula talinaya inay Dhalinyarada ka mashquuliso Tahriibka iyo Bawladaha, kuna mashquuliso dhinaca horumarka Ciyaaraha”.