Madaxweyne Soo Bandhigay Khibraddiisa Milateri Ee Shakhsiga Ah Si Uu U Cabsi Geliyo DAACISH

0
1046

Cishq-abaad (Geeska)- Cajalad maqal iyo muuqaal ah ayaa laga daawaday madaxweynaha dalka Turkmenistan Qarbangli Baraadi Maxamedoof oo samayanay dhoollatus shakhsi ah, oo lagu tilmaamay u diyaargarowga dagaalka ururka DAACISH.

Fiidyowgan uu Geeska Afrika daawaday ayaa talefishanka Aljasiira oo sii daayey waxa uu ku magacaabay, “Fiidyow dacaayad ka dhan ah DAACISH”  Waxa aana ka dhex muuqda madaxweynaha oo inta uu u labbistay qaabka lagu yaqaanno askarta sida gaarka ah u tamabaran ee Kanadooga loo yaqaanno, indhahana ku sita muraayad kuwa qorraxda ah laga gashado ah. Fiidyowga oo soconaya 34 ilbidhiqsi, ayaa laga arkayaa madaxweynaha labbiska Kanadooga sita oo baastoolad ku shiishaya bartilmaamed sawir ah oo gidaar lagu soo dhejiyey, iyo isaga oo isticmaalaya qori kuwa darandoorriga u dhaca ah iyo mindida qoriga ee Soodhka loo yaqaanno oo uu ku sakaaro tuuryeynayo bartilmaameed si uu u jilo in qof uu ku dili karo. Arrinta xiisaha lihina waxa ay tahay in sida Fiidyowgan ka muuqata uu madaxweyne Maxamedoof uu si fiican u shiishay dhammaan bartilmaameedyadii kala duwanaa ee uu beegsaday. Mar kale ayaa uu madaxweyne Maxamedoof soo baxay isaga oo wada diyaarad kuwa qummaatiga u kaca ah oo baacsanaya gaadhi yar, kadibna hal gantaal la beegsanaya.

Madaxweyne Maxamedoof waa 60 jir hore u ahaan jiray dhakhtar ku takhasusay ilkaha, horena u ahaan jiray wasiirka caafimaadka ee dalkiisa ayaa xukunka kumeelgaadh u qabtay sannadkii 2006 dii kadib markii uu geeriyooday madaxweynihii xilligaas ee dalka Turkmenistan xilligaas oo uu ahaa raysalwasaare ku xigeen, kadib doroashadii 2007 ayaa uu ku guulaystay xilka madaxweynaha, mar labaadna doorasho dhacday sannadkan 2017 ayaa uu cod dhan boqolkiiba 98 ku noqday madaxweynaha dalka.