Quraacdu Waxa Ay Ka Hortagtaa Macaanka Iyo Wadne Xanuunka

0
645

Hargeysa (Geeska)- Dad badan ayaa waqtiga oo ku cidhiidhi ah awgeed aan subaxdii quraacan, ama aaminsanba in quraac la’aantu miisaanka ka dhimayso, laakiin cilmibaadhisaha arrintan lagu sameeyey waxa ay isku waafaqeen in ay quraacdu qofka u leedahay faa’idooyin caafimaad oo tiro badan. Waxa ay daraasadahani si gaar ah u xuseen:

– In dadka quraacda iska daaya ama dib dhiga maalin kastaa ay khatar u yihiin buurni, waayo quraacdu waxa ay ka hortagtaa in qofku uu maalinta inta hadhay cunto badan cuno.

– Quraacdu waxa ay qofka gelisaa tamar dheeraad ah oo uu hawlihiisa maalinnimo si firfircoon u qabsan karo.

– Cilmibaadhisuhu waxa ay caddeeyeen in quraacda oo aanu qofku si joogto ah oo waqti go’an leh u cunin ay ka mid tahay sababaha keeni kara macaanka noociisa labaad, gaar ahaan dumarka.

– Quraacdu waxa ay ka hortag fiican u tahay inta badan ee xanuunnada ku dhaca wadnaha iyo xididdada dhiigga, gaar ahaan marka qofku uu joogteeyo jimicsiga.

– Quraacda oo si joogto ah oo waqti go’an leh loo cunaa waxa ay jidhka siisaa maaddooyinka uu u baahan yahay ee xoojiya shaqada maskaxda oo xusuustu ay ugu horreyso.