Madaxweyne Silanyo Oo Madaxdii Afrika Ee Addis Ababa Ku Shiraysay Hawada U Mariyay Farriin Kooban Oo Uu Ugu Sheegay Inaanay Qadiyadda Somaliland Ahayn Goosasho

0
776

axmedHargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa farriin kooban u diray Midowga Afrika, oo uu Axadii shirkoodii ugu dhammaaday magaalada Addis Ababa ee wadanka Itoobiya.

Madaxweyne Siilaanyo, ayaa qoraal kooban wuxuu dhigay barta uu ku leeyahay twitterka, waxaanu ku sheegay inuu Midowga Afrika ogyahay inaanay qadiyadda Somaliland ahayn gooni u goosad. “Waxaan si fiican u garanayaa markii la aasaasay midowga Afrika.” Ayuu ku yidhi Madaxweyne Siilaanyo, qoraalkaas kooban, isagoo intaas raaciyay “ Midowga Afrika wuu ogyahay inaanay qadiyadda Somaliland ahayn gooni u goosasho.”

Hadalkan kooban ee Madaxweyne Siilaanyo, inkastoon lagu cadayn ujeedada ka dambaysa, haddana waxa lagu soo beegay shirka Midowga Afrika, waxaanay u muuqataa farriin uu Midowga Afrika ku dareensiinayo inaanay qadiyadda Somaliland ahayn gooni u goosad ee ay tahay dal la soo noqday xorriyadiisii, waxaana laga warqabaa in dalalka Afrika qaarkood ku doodaan inay cabsi ka qabaan in aqoonsi Somaliland loo fidiyaa uu qaaradda ku keeno kala furfuran. Hase yeeshe guddi xaqiiqo raadin ah oo uu Midowga Afrika sannadkii 2005 u soo diray Somaliland, ayaa warbixintii ay diyaariyeen waxay ku sheegeen inaanay qaddiyadda Somaliland ahayn goosasho balse ay tahay dib ula soo noqosho xorriyadeed, waxaanay intaas raaciyeen inaanu aqoonsiga Somaliland dhibaato ku abuuri karin qaaradda Afrika. Laakiin warbixintaas lama soo hordhigin shirka Madaxda Afrika, oo waxa la dhigay hoosta.