Xulka Kubada Cagta Gobalka Maroodi-jeex Oo Lagu Dhawaaqay

1
1468

Tababaraha Xulka kubada Cagta Gobollka Maroodi-Jeex Maxamed Maxamuud Maxamed (Diri-dhaba) ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay liiska rasmiga ah ee Ciyaartoyda ku ciyaari doona Gobollka Maroodi-Jeex tartanka ciyaaraha Gobollada Somaliland oo toddobaadka dambe si rasmi ah uga furmi doona Magaalada Hargeysa. Macalinka hogaaminaya Xulka Horyaalka dalkeena Maxamed (Diri-dhaba) ayaa nuqul ka mid ah liiska ciyaartoyda meteli doona Maroodi-Jeex soo gaadhsiiyay Wargeyska Geeska Afrika, waxaana uu macalinkani uu mahad-naq iyo amaan u soo jeediyay Maamulka cusub ee Golaha Deegaanka Caasimada oo uu xusay inay si wanaagsan ula shaqeeyeen muddadii koobnayd ee ay ku jirin tababarka ay ugu diyaargaroobayeen tartanka Ciyaaraha Gobollada. Sidoo kale waxa uu baaq u diray guud ahaanba bulsha weynta kala duwan ee ku nool Caasimada isagoo ugu baaqay inay guud ahaanba garab istaagaan ciyaartoyda Gobollka Maroodi-Jeex inta muddaha kooban ee uu socdo tartankani.

 Mr. Diri-dhaba waxaa kale oo uu Magacaabay ciyaartoyga hogaamin doona xulka Maroodi-Jeex, waxaana uu Kabtanka Gobollka Maroodi-Jeex u doortay Maxamed Xasan Maxamed (Gabyaaye) oo ah ruug cadaa ka ciyaara difaaca, sidoo kalena ah Kabtanka kooxda Heerka koowaad ee Goodir. Haddaba liiskan oo ka kooban 25-ciyaartoy hoosta ka akhriso laacib walba iyo kooxda heerka koowaad ee u ciyaaro waxaana ay kala yihiin sidan.

Goolhaye: Cabdirisaaq Maxamed Jaamac (Carab) {Goodir}, Guuleed Cabdi Cabdilaahi (Fernando) {D.D.H}.

Difaac: Maxamed Xasan Maxamed (Gabyaaye)(Kabtan) {Goodir}, Axmed Yaasiin Dayib Muxumed {D.D.H}, Ayaanle Axmed Muxumed (Galbeedi) {Gaashaan}, Cismaan Cabdiraxmaan Cabdilaahi (Osama) {D.D.H}, Asad Ismaaciil Aadan {Goodir}, Naasir Cabdi Aadan {Asluubta}, Axmed Cabdikariim Cabdilaahi (Xuujano){Goodir}.

Dhexda: Cabdikariim Maxamed Xirsi (Guji) {Gaashaan}, Yacquub Cabdalle Cumar {Gaashaan}, Maxamed-khadar Axmed Kabadhe {D.H.H}, Cabdiqani Khadar {Wasarada Ganacsiga}, Nasteex Daahir Cabdi {D.H.H}, Maxemed Cabdi Maxamed (Kalacase) {Asluubta}, Mawliid Malo {Haboon}, Siciid Cali Muuse (Gadhay) {Gaashaan}.

Weerarka: Maxamuud Cabdi Xasan (Goofindha) {D.H.H}, Cabdi-Riyaad Cabdi Khadar {Gaashaan}, Axmed Keyse Maxamed (Raambo) {Goodir}, Cabdicasiis Aadan Cunaaye (Dhanay) {D.H.H}, Khaalid Xasan Cabdi (Bidhiidho) {Gaashaan}, Khadar Cabdi Sayid (Shabcaan) {D.H.H}, Jamaal Siciid Xasan(Yemeni) {D.H.H), Maxamed Ismaaciil Naaleeye (Xato) {17May}.

Comments are closed.