Milicsiga Hal-Ku-Dhegyada Xusuusta Reebay Ee Madaxweyne Daahir Rayaale Iyo Marxalada Maanta

1
1258

riyaaleHargeysa(Geeska)-Khudbadihii uu Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, jeedin jiray wakhtiyadii lagu jiray ololihii doorashada madaxtooyada ee lagaga guulaystay, ayaa qaarkood waxay noqdeen kuwo mahadho ku reebay shacabka.

Madaxweyne Rayaale, oo ahaa nin ay khudbadihiisu aad u koobnaayeen, ayaa weedhihii uu jeediyay maalmihii ololaha doorashada lagu jiray waxa uu isku dayay inuu shacabka Somaliland si sarbeeb ah ula hadlo. Tusaale ahaan maalin isagoo ka hadlaya mid ka mid ah fagaarayaashii wuxuu yidhi, “Shacabyahoow waxaan idinka codsanayaa inaydaan aniga ii dooran reer ahaan, waayo haddii aad reer ahaan codka igu siisaan Madaxweyne idiin noqon maayo ee waxaan idiin noqonayaa Suldaan. Markaas qaran ahaan codka igu siiya.” Isla maalintaas isagoo ka hadlaya xisbigii UDUB, wuxuu yidhi, “Xisbiga UDUB maaha xisbi caadifadeed ee waa xisbi arrimaha aad uga fiirsada.”

Daahir Rayaale Kaahin, waxa kale oo uu maalmahaas ka hadlaya hoggaamiyaha wanaagsan, waxaanu yidhi, “Hoggaamiyaha wadan hoggaamin karaa waa ninka aad uga fiirsada arrimaha.”

Khubad kale oo uu Rayaale 3 June, 2010 oo ahayd maalmihii ololaha doorashada  ka jeediyay fagaaraha beerta xorriyadda ayaa wuxuu kaga hadlay erayga isbedel oo ahaa eraygii uu KULMIYE ololaha doorashada ku galay,  waxaanu Rayaale yidhi “Axsaabta mucaaradku waxay had iyo jeer ummadda ku beer laxawsadaan ereyga “IS BEDEL …. IS BEDEL”. Sidaa awgeed, waxa lagamamaarmaan ah in ummadda Somaliland aan dareensiiyo xaqiiqada dhabta ah ee jirta.

Odayaasha mucaaradka ah ee is-bedelka ku doodaya badankoodii waa Wasiiraddii xilka waayay ee xukuumaddihii kala dambeeyay, haddii ay horumarka ay ugu baaqayaan ummadda u keenayaan maxay ugu samayn waayeen shalay markay kuraasida fadhiyeen?. Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye miyaanu ahayn Wasiirkii Maaliyadda ee xukuumaddii Cigaal ee anigu Madaxweyne Ku Xigeenka ka ahaa ee dhaqaale uu soo kordhiyo iska daayoo ku guuldaraystay inuu dalka miisaaniyad u sameeyo?

 Waxyaabaha kale ee laga xasuusto khudbadihi Daahir Rayaale Kaahin, waxa ka mid ahaa khudbadii uu jeediyay maalintii uu xilka ku wareejinayay Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo. Qayb ka mid ahayd khudbadiisa wuxuu yidhi Daahir Rayaale, isagoo la hadlaya Madaxweyne Siilaanyo, sidan, “Waxaan maanta kugu wareejinayaa dal iyo dad midaysan.”

Si kastaba ha ahaate, Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, aad looma dhuuxi jirin khudbadihiisa, waxase laba sannadood ka dib la dareemayaa macnaha khudbadihii uu jeedin jiray maalmihii u dambeeyay hoggaamintiisa iyo ujeedooyinkii uu ka lahaa.

 

Comments are closed.