Madaxweyne Siilaanyo Oo Qorsheeyay Inuu Cafis Ku Sii Daayo Boqor Buurmadow Iyo Su’aasha Ka Taagan

0
4664

groupHargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa la sheegay inuu diyaariyay qorshe salka ku haya sidii uu cafis Madaxweyne ugu sii dayn lahaa Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadoow, oo ay maxkamadda gobalka Hargeysa Axadii ku riday xukun hal sanno ah, ka dib markii ay sheegtay in lagu helay dambi ah ceebaynta  iyo dhaleecaynta madaxda qaranka.

Boqorka oo 24 saacadood ka dib xukunkiisa loo dhaadhiciyay xabsiga Mandheera, ayaa la sheegay inuu Madaxweynuhu hadda go’aansaday sidii uu cafis ugu sii dayn lahaa.  Inkastoo aanu jirin war rasmi ah oo ay madaxtooyadu ka soo saartay warkan, haddana ilo xogogaala ayaa Wargeyska Geeska Afrika u xaqiijiyay in hawshan cafis ku sii daynta boqorka ay madaxtooyadu bilowday  labadii caano maal ee u dambeeyay oo ay isa soo tarayeen culaysyo kala duwan oo ka dhashay xukunka boqorka lagu riday iyo weliba sida deg deg ah ee Mandheera loogu dhaadhiciyay. Waxaana la sheegay inuu Madaxweynuhu shalay qoray warqadda cafiska ah ee boqorka lagu sii daynayo.

 Maxkamadda ayaa xukunkeeda waxay ku sheegtay inay ku weyday eedihii kala duwanaa ee ay xeer ilaalintu ku soo oogtay boqorka, waxase ay sheegtay inay ku heshay dambi kale oo ay u cuskatay xeerka Ciqaabta guud.

Cafiska Madaxweynaha ayay dad badani isweydiinayaan inuu Boqorku aqbali doono, maadaama oo uu xadhigiisu isugu soo ururayo dhawr bilood marka laga jaro mudadii uu xidhnaa, taas oo ah wakhti uu sharcigu u ogolaanayo inuu iibsado.

Waxa qaybaha kala duwan ee bulshada sida madaxdhaqameedka iyo siyaasiyiinta qaarkood ka soo guuxaya cambaarayno kala duwan oo ay ku naqdiyi doonaan xadhiga iyo xukunka maxkamadda ee Boqor Cismaan Buurmadoow.